DF oo ka warbixisay weerarkii Masaajid Cali Guduud

Muqdisho (Raxanreeb) — Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay howlgalkii ugu dambeeyey ee ka dhacay deegaanka Masaajid Caligduud, kadib markkii ciidanka huwanta ay ka saareen xoogaga Shabaab oo sanado ku sugnaa halkaasi.

Qoraal lagu daabacay bogga wakaaladda wararka ee SONNA ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay gudaha u galeen Masaajid Caliguduud, kadib dagaallo ka dhacay deegaanka.

“Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku haynta deegaanka Masaajid Cali Guduud oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe ee maamulka HirShabelle,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ee lagu daabacay bogga Sonna.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo kuwa Gorgor oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa howlgalka fuliyey, kuwaas oo gudaha u galay deegaankaas, sida lagu sheegay qoraalka.

Sidoo kale wuxuu warka intaasi kusii daraya “Sida muuqata goon kasta oo ay isku fara saaraan Khawaarijta iyo Ciidamada Qaranka oo kaashanaya shacabka waxaa uharaya Ciidanka Qaranka iyo shacabka, taas oo ah fariin cad oo muujinaysa guuldarooyinka waaweyn ee ay tunka u ridaneyso Khawaarijtu,”

Warka ka soo baxay dowladda ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in howlgalkan oo ay barbar socdeen duqeymo xoogan lagu dilay in ka badan 100 ka tirsanaa Al-Shabaab.

Masaajid Cali Gaduud ayaa ahaa deegaan istaraatiiji ah, islamarkaana muhiim u ahaa kooxda Al-Shabaab, maadaama ay dhaqaale badan ka heli jiray halkaasi.

Ciidamada huwanta ayaa ujeedkooda uu yahay inay gaaraan illaa degmada Aadan Yabaal oo uu ku yaallo saldhigga ugu weyn ee ay kooxda Al-Shabaab ku leedahay halkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.