Mustafe Cagjar oo canbaareeyay qaraxdii ay ku dhinteen ku dhowaad 100-ka qof

JigJiga (Raxanreeb) — Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Maxamed Cagjar, ayaa si kulul uga hadlay qaraxyadii geystay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee shalay ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada muqdisho.

Qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebook Madaxweye Mustafe Cagjar ”waxa ugu horreyn walaalaha Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay dhibaatadii iyo mashaqadii ka dhalatay Qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho ee ay dadka badani ku waxyeeloobeen, Alle ha u naxariisto maatida Al-Shabaab ay ku gumaaday magaaladda Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayuu yiri”.

Sidoo kale Madaxweyne Mustafe Cagjar waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in Al Shabaab iyo dhibaatada maanta ka taagan Soomaaliya ay ahayd khatar aan xilligeedii laga hortagin, isagoo yiri ”Qaraxyada laga uur-ku-taaloonayo waxay ku billaabmeen fikir khaldan oo xilligisii laga hortagi waayay, Maantase waa la isku raacsan yahay in Alshabaab ay maalin qabasho lahayd”.

Ugu dambayn waxa uu Madaxweynuhu carrabka ku adkeeyay inay Waajib damiireed iyo mid diimeedba ay tahay in meel looga soo wada jeesto oo lala dagaallamo dadka wada waxa uu ku tilmaamay fikirka qalloocan iyo xagjirnnimada oo uu sheegay inay dhibaato badan horseedi karaan.

Qaar kamid ah dowladaha taageera Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay qaraxyada, iyaga oo qaarkood sheegay inay garab taagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed.

Muqdisho, shalay duhurkii kaddib ayaa waxa ka dhacay qaraxyo is xig xigay oo aad looga wada maqlay gudaha magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda qaraxyadaas ayaa ku naf waayay dad shacab ah, Weriyaal ku dhintay ku dhaawacmay qaarkood halka dhimashadu ay dhaafeyso ugu yaraan 100 qof halka dhaawacana uu gaarayo 300 qof inkabadan

Leave a Reply

Your email address will not be published.