DF oo sheegtay in howlgal ay ku dishay 50 ka mid ah Al-Shabaab

DF oo sheegtay in howlgal ay ku dishay 50 ka mid ah Al-Shabaab

Muqdisho (Raxanreeb) — Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa shaacisay in dagaal yahaano aad u badan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, looga dilay howl-gal qorsheysan oo afartii maalmood ee ugu dambeeyay ka socday gobolka Jubbada Hoose, Soomaaliya.

Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala, ayaa sheegay in howlgalkaasi iska kaashadeen Ciidamada Xoogga Dalka, iyo kuwa Jubbaland, lagu dilay 50 ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Cadaala ayaa sidoo kale sheegay in gacanta lagu soo dhigay 20 kale oo iyagana ka tirsan kooxda kuwaas oo dhib ku haayay shacabka ku dhaqan deegaannadaasi, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha Jubbaland waxa ay maalintii afaraad oo xiriir ah hawdka ku baacsanayaan Al-Shabaab, 50 ka badan waa la dilay, 20 kale nolosha ayaa lagu qabtay, dhul badanna waa laga sifeeyay, Alle ayaa mahadsan,” ayuu yiri Cadaala.

Howlgalladab ayaa hadda ka socdaan, deegaannada Muuse-xaaji, Malaaylay, Turdho, Baxar-saafka iyo deegaanno kale, iyadaa oo intii uu socday lagu dilay horjoogeyaal sar sare iyo dagaalyahano badan halka nolosha lagu qabtay qaar kaloo badan iyagana, halka uu howlgalkan socdo tan iyo Sabtidii lasoo dhaafay, iyadoo ay tahay howlgallo ka dhan ah, kooxda Al-Shabaab.

Toddobaadyadii ugu danbeeyay waxaa aad loo dardar galiyay howlgallada ka dhanka ah, kooxda Al-Shabaab, ee ka socda inta badan gobollada Soomaaliya, qaarkood.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo kuwa malleeshiyada Macawiisleyda ayaa howlgallo adag oo ka dhan ah, kooxda Al-Shabaab, kawada gobollada Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, Galgaduud, iyo Shabeellaha Hoose.