Muqdisho (Raxanreeb) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa maanta oo Talaada ah magaalada Muqdisho ku qabtay kulan looga hadlayay wax ka bedelka Dastuurka.
Xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta waxaa shir ku yeeshay guddi uu dhawaan Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Madaale kuwaas oo u xil saran ka doodista Dastuurka.
Sidoo kale, Guddigaan ayaa waxa ay sidoo kale ka shaqeyn doonaan soo diyaarinta Xulashada ugu wanaagsan ee ku haboon Magaalo madaxda dalka ee Muqdisho iyo in Bulshada Gobolka Banaadir loo bandhigo soo jeedinta ku aadan dhameestrika Dastuurka ee 4-ta cutub .
Natiijada ka soo baxdo doodaha farsamo ee guddigaani iyo talooyinka laga soo aruurin doono shacabka caasimadda ayaa lala wadaagi doonaa guddiyada dastuurka iyo guddoonka labada Aqal si ay ugu saleeyaan go’aan ka gaarista dhameestirka dastuurka.
Dhawaan siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho uu qaadayo dhabo aan wanaagsan oo ku saabsan arrimaha Dastuurka.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Guddoomiye Madaalle laga sugayo inuu wax ka qabashada dhibaatada ka taagan magaalada Muqdisho , gaar ahaan nadaafada gobolka Banaadir.
Magaalada Muqdisho waxaa si xawli ah uga soconaya dadaalada ku aadan wax ka badalka Dastuurka kaas oo ay riixayso Villa Somalia waxaana arrintaas ka taagan khilaaf xoogan
Leave a Reply