Jowhar ( Raxanreeb ) Sida la soo warinaayo hal ruux ayaa ku geeriyoday labo kalane wey ku dhaawacmeen labo qarax oo ka dhacay Xaafada Horseed, ee magaalada Jowhar.
Dad ku sugan magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegay ib qarax lagu weeraray guri ku xaafada Xaafada Horseed ee magaaladaas.
Dhammaan dadka waxyeelada kasoo gaartay waa shacab ku sugnaa guriga lagu weeraray qaraxyada.
Maamulka degmada Jowhar wax war ah ma uusan ka soo saarin weerarka caawa ka dhacay magaalada Jowhar , mana jirto cid sheegatay masuuliyada weerarka.
Leave a Reply