Duqeyn culus oo ka dhacday deegaanka Jicibow

Duqeyn culus oo ka dhacday deegaanka Jicibow

Muqdisho (Raxanreeb) — Faah faahino dheeraad ah, ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeymo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn geeysteen xalay ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Hiiraan.

Duqeyntan ayaa iska kaashaday saaxiibada caalamiga ah, ee caawiya Soomaaliya, iyo ciidamada Xogga Dalka Soomaaliyeed sidoo kalena wuxuu ka dhacay duleedka degmada Buuloburde.

Wararka ayaa sheegaya in duqeynta lala beegsaday saldhig kooxda Al-Shabaab, kulahaayeen deegaanka Jicibow, ee gobolkaasi, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan dhimasho iyo dhaawac.

Dadka deegaanka ah ayaa innoo xaqiijiyay inay maqlayeen gantaallada ay ridayeen diyaaradaha, balse aysan xaqiijin karin khasaaraha kasoo gaaray kooxda, Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan millatariga Soomaaliya, oo ka hadlay arrintan ayaa shaaca ka qaaday inay ku dileen malleeshiyaad iyo hoorjoogeyaal sar sare, ku sugnaa goobta la duqeeyay, balse ma sheegin tirada rasmiga ah.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray in la burburiyay goobo ay kulahaayeen kooxda deegaanka Jicibow, gaadiid iyo hubna laga gubay, waa sida uu hadalka u dhigeen.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah, oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ku saabsan duqeyntaasi xalay loogu geeystay deegaanka Jicibow, ee Hiiraan.

Xaaladda ayaa ah, mid kacsan waxaana la dareemayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda lagana dareemayaa qeybo ka mid ah, gobolka Hiiraan.

Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa maleeshiyada Macawiislayda ayaa sii kordhiyay weerarada ka dhanka ah, kooxda Al-Shabaab.