Golaha ammaanka ee Q.M oo kulan deg deg ka yeelanaya weerarka lagu qaaday Israel.

Golaha ammaanka ee Q.M oo kulan deg deg ka yeelanaya weerarka lagu qaaday Israel.

NewYork (Raxanreeb )-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa manta oo Axad ah kulan deg deg ah waxaa ay ka yeelan doonaan xaaladda kasoo korortay gobolka Bariga dhexe, kadib weerarkii seqdhexe xalay Iran ku qaaday gudaha Israel.

Fadhigaan uu iclaamiyay Xoghayaha guud ayaa waxaa gadaal ka riixaya dowladaha Mareykanka, Ingriiska iyo Faransiiska, iyagoo doonaya in iran lagu cadaadiyo joojinta weerarrada ay u adeegsanayso Drones-ka.

Israaiil ayaa warqad cabasho ah u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ay horay uga diiday soo jeedintii la xiriirtay joojinta dagaalka ay ku xasuuqday Shacabka Dulman ee Falastiin balse markaan dantu ku qasbaysa in ay u calaacasho Qaramada Midoobay xilli dunidu sheekadu ku rogmatay.

Kowdii April, duqeyn ayaa lala beegsaday qunsuliyadda Iran ee Dimishiq, waxaana lagu dilay jeneraal iyo lix sarkaal oo sare oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka, ayada oo Khamenei uu maalinkii ciidda ballan-qaaday aargudasho.

Tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza horraantii October, xulufada Iran ee gobolka – sida kooxda Xizbullah ee Lubnaan iyo dhaqaaqa Xuutiyiinta ee Yemen- ayaa qaaday weeraro ay ku garab istaagayaan Xamas oo ka dhan ah Israel.

Leave a Reply

Your email address will not be published.