Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho waxa maalmahan si aad ah uga taagan xaalad hubinta la’aan ah oo dhanka amniga ah waxaana si joog ah uga dhacaya dilal iyo qaraxyo waxyeela – gayta.
In kastoo ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku howlan yihiin in ay wax ka qabtaan amniga caasimada , hadana waxaa magaalada ka dhacayay falal ka hor imaanaya amaanka magaaalada Muqdisho.
Maanta oo Axad ah waxa meel u dhaw aaga Xalane gaar gaar ahaan dalcadda Aadan Gabow la soo dhigay gabar mayd ah oo lagu qiyaasay 25 sanno jir oo ilaa iyo hada aan la ogayn cida ka danbeysa dilkaas.
Dadka degaanka ayaa ku waramay in gabadha wajigeeda uu ka muuqdo dhiig xoogan isla markaana jirkaada ay ku yaalan dhaawacyo.
Lama oga cida ka dabaysa dilka gabdhan , mana jirto wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga ee Dowladda ee la xiriira dilka gabdhan la aqoon la’yahay.
Falkan ayaa dadka degaanka laga helay maydka gabadhan waxa ay sheegayaan in ay qayb ka tahay amaan darida ka jira degaanka iyo meelo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Dowladda Federaalka ayaa xoog ku bixinaysa sidii ay uga hortagi lahaan falalka sidan oo kale ah oo lagu waxyeelaynayo dadka shacabka.
Meydka gabar la aqoon waayay oo laga helay Aagga Xalane

Leave a Reply