Jowhar oo ka dhacay shir u dhaxeeyay Hirshabeelle iyo hay’adaha QM

Jowhar oo ka dhacay shir u dhaxeeyay Hirshabeelle iyo hay’adaha QM

Jowhar (Raxanreeb) — Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa maanta shir guddoomiyay kulan u dhaxeeyay maamulka Hirshabeelle iyo Hay’addaha UN-ka ee ka shaqeeyo arrimaha gargaarka bini’aadanimo ee WFP.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirrada Hirshabeelle ee wada shaqeynta la leh Hay’addaha UNOCHA iyo WFP, guddoomiyaha cusub ee gobalka Shabeellaha Dhexe iyo guddoomiyaha degmada Jowhar waxana diirrada lagu saaray sidii dhinacyada u dardargelin lahaayeen howlaha wadajirka ee ka dhaxeeyo.

“Dhankeenna wada shaqeyn hufan ayaa naga diyaar ah, waxaan rajeynayaa in kulankan kaddib si wadajir ah loo wajaho howlaha dhammaanteen hor-tebinta inoo leh, mana aqbali karno in shaqadda ay dhaqaaqi weyso,” ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Sidoo kale Dabageed, ayaa bogaadiyay doorka weeyn ee ay ka qaadanayaan taakuleynta shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Hirshabeelle, hay’adaha UNOCHA iyo WFP isagoona uga mahadceliyay masu’uliyiinta Jowhar u yimid shirkaasi.