Deni oo Cafis Madaxweyne u fidiyay 57 Maxaabiis oo ku xiran xabsiyada Puntland

Deni oo Cafis Madaxweyne u fidiyay 57 Maxaabiis oo ku xiran xabsiyada Puntland

Muqdisho (Raxanreeb) — Wareegto ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Doowlad Gobaleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa uu cafis ugu fidiyay 57 Maxaabiis oo ku xiran xabsiyada ku yaalla Deegaannada Dowlad Gobaleedka Puntland.

Wareegtada ka soo baxday Saciid Deni ayaa u dhigneed sida tan:-

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 007 ee 29ka January, 2022, kuna saabsan Cafis gaar ah oo loo fidiyey maxaabiis ku xiran xabsiyada Puntland.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowlad Gobaleedka Puntland Qodobkiisa 80-aad farqadasiisa 11-aad
Markuu tixgeliyey: Talo soo jeedinta Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan celinta.
Wuxuu xeeriyey:

Waxaa cafis gaar ah loo fidiyey 57 maxbuus oo ku kala xiran xabsiyada Puntland kuwaas oo mutaystay in cafis loo sameeyo ka dib markii uu habdhaqankoodu wanaagsanaaday loona sameeyey dhaqan celin.

Ugu dambeyn wareegtada ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu yiri Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa marka uu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.