Madaxweynihii hore ee Dalka Pakistan General Pervez Musharaf oo ku geeriyooday Magaalada Dubai

Madaxweynihii hore ee Dalka Pakistan General Pervez Musharaf oo ku geeriyooday Magaalada Dubai

Dubi (Raxanreeb) — Madaxweynihii hore ee Dalka Pakistan General Pervez Musharaf, oo xukunka ku qabsaday afgambi 1999-kii, soona talinayay intii u dhaxaysay sannadihii 2001 illaa 2008 ayaa ku geeriyooday Magaalada Dubai ee Dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta.

General Pervez Musharaf oo ahaa 79 jir ayaa u dhintay xanuun muddo dheer hayay, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay ciidamada qaranka. Intii uu xukunka hayay waxa uu ka badbaaday isku day dil oo badan.

Madaxweynihii hore ee Dalka Pakistan General Pervez Musharaf ayaa ku dhashay magaalada Delhi sanadkii 1943-kii, isaga iyo reerkiisa waxa ay u guureen magaalada Karachi ee dalka Pakistan 1947-kii ka gadaal markii ay ka qeybsameen Hindiya iyo Pakistan.

Waxa uu ciidanka ku biiray 1961-dii isaga oo arday ah, waxana uu si joogto ah darajada sare u kacday, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dalkaas ayaa General Pervez Musharaf u doortay in uu noqda taliyaha ciidanka Sanadkii 1998dii.

Musharaf oo xukunka  ka tuuray Sharif ayaa Dalka ku qabsaday afgambi 12-kii October 1999-kii, isaga oo xilligaas noqday madaxa fulinta, Ka dib markii uu noqday madaxweynaha 2001,  afti ay hareeyeen eedeymo musuqmaasuq oo baahsan, xisbiyo taageersan Musharaf ayaa 2002dii helay kuraastii ugu badnayd ee doorashadii guud.