Damaca iyo Hagardaamada MW Deni ee Hannaanka Dimuqraadiyadda Puntland: Xog iyo Xal

Damaca iyo Hagardaamada MW Deni ee Hannaanka Dimuqraadiyadda Puntland: Xog iyo Xal

Garoowe (Raxanreeb ) Doorasho qof iyo cod ah waa riyada dadka reer Puntland waxaase nasiibdarro ah in MW Deni doorbiday in waxkasta ay kala wayntahay damiciisa gaarka ah. Afartii sano ee ugu horreeyay muddo xileedkiisa wixii dhaqaale, waqti iyo maskax la rabay inuu ugu adeego Puntland wuxuu geliyay damiciisii gaarka ahaa ee madaxtinimada Soomaaliya. Markii uu kusoo fashilmay wuxuu hadana intii oo kale geliyay damac ku darsi sharciga baalmarsan isagoo udhexmaraya hannaanka xisbiyada badan oo uu shalay qaful kusii dhuftay markuu damiciisa gaarka ah ka shaqaynayay.

Damaca Madaxweynaha ee aan xadka iyo xishoodka lahayn ayaa aasaas u ah dhibaatooyinka isasoo taraya ee Puntland maanta haysta. Waxaa wiiqmay oo tabardhigay hay’addii la xisaabtami lahayd ee Golaha Wakiilada, waxaa dibadwareeg noqday badi Golihii Fulinta oo aan wax dowr ah lahayn, wuxuu la dagaalay oo fogeeyay waxgaradkii bulshada oo ay kan mid yihiin Isimo, culimo, ganacsato iyo aqoonyahan. Intaas waxaa kasii daran dildilaaca maanta haysta midnimadii Puntland – tusaale waxaa ku filan dhabar u jeedinta kacdoonka Sool. Wuxuu Puntland oo dhan Madaxweynuhu kusii wadaa inay isaga u ekaato oo go’doon gasho.

Puntland waxay u baahantahay caqli, talo iyo in damaca MW Deni taako loo dhigo iyadoo loo marayo wado walba oo nabadeed si loo dhowro nabadda iyo xasiloonida.

Dimuqraadiyaddu way ka gudaballaarantahay sanduuq iyo cod. Waxyaalaha ugu muhiimsan waa dhowrista sharciga, Hadaba badbaadinta dimuqraadiyadda Puntland waxaan u arkaa sidaan:

  1. In Madaxweynuhu caddeeyo inuusan muddo kororsi usocon doorashaduna ku dhacayso waqtigeedii 8 da jannaayo 2024, si meesha looga saaro damaca Madaxweynaha ee muddo kororsiga.
  2. In dawladda, TPEC iyo dhamaan Ururada Siyaasaddu ka heshiiyaan qodobadii 13 ka ahaa ee Ururadu horay miiska usoo saareen dawladduna markii dambe ay ku kala jabisay Ururada.
  3. In wadatashi guud la furo oo dhamaan qaybaha bulshada laga talageliyo qaabka loo wadayo doorashada iyo waxa suuragal ka ah ee la qabankaro waqtiga kooban ee harsan iyo waxa u baahan dhamaystir ka dib doorashada 8da Jannaayo.
  4. In dawladdu joojiso hubka iyo sanduuqa ay isdaba wado, laguna badalo wadahadal, isqancin iyo wadar-ogol.
  5. In la dhowro nabadgelyada iyo xasiloonida lagana fogaado wax kasta oo khalkhal gelin kara W/Q: Gudoomiyihii Hore ee TPEC Guuleed Saalax.

Leave a Reply

Your email address will not be published.