Maydad hor leh oo laga soo saaray goobihii ay ka dhaceen qaraxyada ee Muqdisho.

Maydad hor leh oo laga soo saaray goobihii ay ka dhaceen qaraxyada ee Muqdisho.

Muqdisho ( Raxanreeb ) waxaa caawa maydad hor leh laga soo saaray dhismayaasha hoostooda , gaar ahaan goobihii ay ka dhaceen qaraxyada ee Soobe ilaa wasaaradda waxbarashada.

Waxaa goobta ka shaqaynaya kooxaha gurmadka deg deg ah kuwaas oo dhismayaasha hoostooda ka soo saaraya maydad iyo dadkale oo dhaawacyadooda ay culus yihiin.

Ciidanka Dowladda Federaalka ayaa gabi ahaanba xiray dhamaan waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa ee goobaha ay ka dhaceen qaraxyada.

Waxaa jira khasaare nafeed oo baaxad leh inkastoo wali ay socoto daabulka dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay , waxaana isbitaalada aad u buuxiyay dhaawacyada.Bahda caafimaadka ayaa sheegaya in tirada ay aad u badan tahay faahfaahintana dib ay ka soo sheegi doonaan.

Afhayeenka ciidamada booliska Soomaaliya G/lle Sidiiq Aadan Cali Doodishe oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa sheegay inay kooxda Al-Shabaab qaraxyadaas la damacsaneyd inay la beegsato arday ku sugneyd gudaha wasaaradda waxbarashada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.