Dhuusmareeb (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku sugan degmada Dhuusmareeb , ujeedkiisa waxa lagu sheegay in ay tahay wajiga labaad ee howlgalka lagula dagaalmayo Al- Shabaab.
Madaxwaynaha ayaa tagay Dhuusmareeb , iyadoo beelaha qaar ay tabasho ka qabaan sida Dowladda ay u wajahayso howlgalada , isla markaana ay soo baxayaan muran arintaas ka taagan.
Beelaha dega galgaduud qaarkood ayaa ku doodaya in Dowladda hubka gacanta ay u galinayso beelo gaar ah , isla markaana howlgalada hoggaamintooda laga xigsaday.
Murankan waxaa uu sababay in safarka Madaxwaynaha uu dib u dhaco maalmo oo ka hor inta uusan u ambabaxin Dhuusmareeb kulamo la yeesho siyaasiinta & xildhibaanada ka soo jeeda Ceelbuur.
Tan iyo xalay waxa Dhuusmareeb ka socday , shirar kala duwan oo beelaha qaar lagu qancinayo si uu taaba gal u noqdo howlgalada Dowladda ay ku damacsan tahay in ay ku qabato Ceelbuur.
Siyaasiin badan ayaa rumaysan in ay muuqanayso in la gacan bidix- xaynayo maadama ay arkaan in beelaha qaar la siinayo mudnaanta oo hub iyo saanad lagu taageerayo.
Madaxwaynaha Dowladda Federaalka ee ku sugan Dhuusmareeb ayaa wararka sheegayaa in laga yaabo in safarkiisa uu soo kaabo , maadama ay jiraan dhaliilo badan oo laga qabo sida hadda ay wax u socdaan.
Leave a Reply