Washington (Raxanreeb ) Ciiddanka cirka ee dowladda Maraykanka oo adeegsanayay diyaarado dagaal ayaa burburiyay buufinkii looga shakiyay basaaska ee maalmahan dul heehaabayey qeybo kamid ah hawada Sare ee Maraykanka.
Buufinka ayaa waxaa ku rakiban isgaarsiin casri ah, kaamarooyin, raadaarro iyo sansaro. Maraykanka ayaa sheegay in gobolka Montana oo hoy u ah kaydka hubka Nukliyeerka Maraykanka uu Buufinku shaqo basaasnimo u dul-sabeynayay.
Washington waxay raadinaysaa haraagii Buufinka si ay u helaan xogta Tiknoolajiyadda uu ka samaynsan yahay iyo hawsha uu hawadooda ka hayey.
“Waa lagu guuleystay in lasoo rido, waxaana rabaa inaan ammaano duuliyayaashayada soo riday” ayuu yiri Madaxwaynaha Mareynkanka Joe Biden.
Wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaana falkaasi ay ku kaceen ciidamada Mareykanka oo fasax ka heestay madaxda sare ee dalkaasi yahay Xadgudub ba’an oo ka dhan ah dhaqanka Caalamiga.
Leave a Reply