Natiijada doorashada Golaha Deegaanka Puntland oo la shaaciyay

Natiijada doorashada Golaha Deegaanka Puntland oo la shaaciyay

Garowe (Raxanreeb )Guddiga doorashada maamul goboleedka Puntland ayaa soo bandhigay natiijada doorashada Golaha deegaanka ee ay ku tartamayeen xisbiyada ee la qabtay 24-kii Bishii May.

Natiijada la soo bandhigay ayaa muujinaysa inuu ku horeeyo doorashada xisbiga Kaah oo helay 286 kursi oo u dhiganta 37 % waxa kaalinta labaad galay xisbi siyaasdadeedka Mideeyo kaas oo codadkii dadka ka dhiibteen uu ka helay 211 kursi oo dhiganta 27 %.

Kaalinta seddaxaad waxaa galay xisbiga SINCAD kaas oo helay codadka la dhiibtay 133 kursi oo u dhiganta 17 %

Guddiga doorashada Puntland ayaa sidoo kale waxa shaaciyay in ay jiraan xisbiyo siyaasadeed oo doorashada Golayaasha deegaanka Puntland ka helay codad dhawr ah.

Xisbiga lagu magacaabo Ifiye ayaa helay 78 kursi , halka xisbiga lagu magacaabo Mustaqbal uu helay, sidoo kale xisbiga lagu magacaabo Shaqaalaha ayaa helay 7 kursi iyadoo xisbiga runcad uu helay laba kursi.

Doorashada golayaasha deegaanka ayaa ka dhacday sodon degmo oo ka tirsan maamul goboleedka Puntland, inkastoo cabsi amni ay keentay in la hakiyo codbixinta deegaanada qaar.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in khalalaase siyaasadeed ay keeni karto doorashada Golayaasha deegaanka ee Puntland , iyadoo markii dambe doorashooyinkaas ay ka dhaceen deegaanada maamulkaas.

Doorashada ka dhacday Puntland ayaa lagu tilmaamay in ay ahayd mid taariikhi ah oo ay fureen shacabka deegaanada maamul goboleedka Puntland , waxaana talaabo wanaagsan ku tilmaamay madax hore iyo beesha caalamka , inkastoo Madaxwayne Xasan Sheekh & Xamse Cabdi Bare ay ka kaabsadeen

Leave a Reply

Your email address will not be published.