Sawirro: Madaxweyne Muuse Biixi oo tababar usoo xiray askar

Sawirro: Madaxweyne Muuse Biixi oo tababar usoo xiray askar

Hargeysa (Raxanreeb) — Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta tababar usoo xidhay ciidamo milatari oo tababar dhamaystay, kuwaasi oo dhawaan ku biiraya ciidamada Somaliland ee ku sugan jiidaha hore ee gobolka Sool.

Munaaswbadda tababarka loogu soo xidhayey ciidamadan oo ay madaxweyne Biixi kala qayb-geleen wasiirka wasaaradda gaashaandhigga, taliyeyaasha ciidamada, macallimiintii tababarka bixinaysay, ayaa laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo dhallinyarada ciidamada milatariga kusoo biiray ee tababarka qaadatay.

Taliyaha ciidanka militariga Somaliland, Sarreeye-gaas Nuux Ismaaciil Taani oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ciidanka tababarka loo soo xidhay uu kamid yahay ciidan faro badan oo tababar ugu jira kulliyadaha Sheekh, Badar Wanaag, Dararwayne, iyo Goroyocowl, islamarkaana loo qaadi doono gobolka Sool.

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xarriiqay in Somaliland ay tacab badan gelisay ciidamadan, loogana baahan yahay “inay dalkooda iyo dadkoodaba ka difaacaan gardarrada maamulka Puntland kusoo qaadeen gudaha Somaliland,” sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweynaha Puntland wuu caddaystay maalintii dhawayd oo wuxuu yidhi weerar ayaan ku qaadayaa halkaa (Sool), mudane madaxweyne arrimihii way joogsan waayeen wataa Puntland leedahay anaga dagaalamayna, hadaanu markii hore xaraga dagaalamaynay, maanta waa la is xiniinyo taabanayaa,” ayuu yiri Nuux Taani oo hanjabaad culus u diray maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni.

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), ayaa isaguna dhankiisa bogaadiyey ciidamada tababarka dhammaystay iyo macallimiintoodaba.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay kusoo biireen ciidamo sharaf leh oo xuquuqaha aadamaha iyo sharafta muwaadiniintaba dhawra, cadowgana libinta si fudud uga qaata, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey ciidamada, ayaa ugu horrayn ku hambalyeeyey tababarka u dhammaaday.

Waxa uu caddeeyey inay ciidanku yihiin astaan nabadeed dhaxanta iyo goobaha naf waaga u taagan sidii muwaadiniintu ugu seexan lahaayeen nabad.

“Waxaan aad u hambalyeynayaa dhammaan ciidamada kala duwan ee qaranka ee habeen iyo maalinba u heegan inay dadkoodu nabadgelyo ku seexdaan, kuna soo toosaan, hantidoodu nabadgasho, dadkeenu horumaraan,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi.

“Geesiyaasha ciidamada kala duwan ee ciidanka qaranku u xoog weyn yahay ee dadkooda nabaddooda iyo mustaqablkooda u heeganka ah baynu hambalyeynaynaa.”