Soomaaliya oo doonaysa 2023 in laga qaado cunaqabataynta hubka ee saaran.

Dublin ( Raxanreeb ) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galangal ugu jirta sidii dalka loogu qaadi lahaa cuna qabataynta hubka saaran xilli dhawaan la kordhiyay muddada cuna qabataynta saarnaan doonto dalka.

Shir looga hadlayo sida ay tahay in dowladda loogu gacan siiyo ayaa ka qabsoomay magaalada Dublin ee dalka Ireland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse ayaa magaalada Dublin kula kulmay wasiirka arimaha dibadda iyo difaaca ee dalkaasi, Simon Coveney.

Wasiir Haruuse ayaa u bandhigay dhigiisa qorshaha ah in dowladda Soomaaliya laga gacan siiyo sidii sanadka 2023 loogu qaadi lahaa cuna qabataynta hubka saaran Soomaaliya.

Sidoo kale waxa kulankaan diirada lagu saaray taageerada Soomaaliya ee ku aaddan xubinimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee doorashada June.

Dhawaan Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac, ayaa magaalada Dublin kaga qaybgalay Baaqa Siyaasadeed ee lagu xoojinayo ka ilaalinta dadka rayidka ah waxyeellada bani’aadannimo ee ka dhalata in hubka qarxa loo adeegsado goobaha ay dadka shacabka ahi ku badan yihiin.

Wasiir Abshir Jaamac ayaa hadal uu ka jeediyay kulanka waxa uu carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso ilaalinta dadka rayidka ah iyo badqabka muwaadiniinteeda guud ahaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.