Taliban oo weerar ay qaadday ku dishay ‘xubno’ ka tirsan Daacish

Kabul (Raxanreeb) — Ciidamada ammaanka ee Taliban ayaa howlgal ay habeenkii xalay ka fuliyeen magaalada Kabul ku dilay lix xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish, sida uu sheegay afhayeen u hadlay maamulka Taliban.

Qari Yuusuf Axmadi oo ah afhayeenka u hadlay Taliban ayaa sheegay in xubnaha Daacish ee lagu dilay weerarka lagu qaaday goob ay ku dhuumanayeen ay ku lug lahaayeen laba weerar oo culus oo toddobaadyadii tagay ka dhacay dalkaasi.

Mid ka mid ah ayaa lagu qaaday masjid ku yaalla magaalada, halka kan kalana lagu qaaday iskuul halkaasi oo lagu dilay toboneeyo gabdho da’yar ah sida uu afhayeenku sheegay.

“Waxa ay ahaayeen kuwii weeraraya masjidka Wazir Akbar Khan iyo sidoo kale Kaaj Institute,” ayuu yiri Axmadi oo sheegay in askari ka tirsan Taliban lagu dilay howlgaalka.

Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda labadaasi weerar.

Weerarka qaraxa ah ee 30-kii September lala beegsaday qeybta ay gabdhuhu wax ku bartaan ee Machadka Kaaj ayaa waxaa ku dhintay 53 qof oo u badnaa gabdho iyo haween da’yar.

Weerar 23-kii September lagu qaaday meel u dhow Masjidka Wazir Akhbar Khan ee ku yaalla goobta amnigeeda aad loo adkeeyo ee mar ahayd “Aagga Cagaara” ee ay degenaayeen safaaradaha shisheeye ayaa isna lagu dilay ugu yaraan 7 qof, iyadoo dad ka badan 40 qofna ay ku dhaawacmeen.

Tan iyo markii Taliban ay 2021-kii la wareegtay talada dalkaasi ayay sheegtay in AY diiradda saareyso sugidda amniga ka dib tobanaan sano oo dagaal ah.

Si kastaba ha ahaatee, qaraxyo is xig-xiga ayaa bilihii la soo dhaafay ruxay caasimadda iyo magaalooyinka kale iyadoo Qaramada Midoobay ay sheegtay in ammaanka dalku uu sii xumaanayo.

REUTERS+ VOA

Leave a Reply

Your email address will not be published.