Taliye ka tirsan Hay’adda NISA oo xaaskiis ay ku dishay Doolow

Taliye ka tirsan Hay’adda NISA oo xaaskiis ay ku dishay Doolow

Doolow (Raxanreeb ) Ilo xog ogool ah oo  ku sugan degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta degmadaas xaaskiisa ay ku dishay Taliyihii Nabad sugidda degmadaas.

Taliyaha ayaa lagu dhax dilay gudaha hotel kuyaalla degmada Doolow, waxaana halkaasi halkaas gaaray ciidamo ka tirsan maamulka gobolka Gedo.

Haweeneyda dilka gaystay ayaa la sheegay in taliyaha uu ku bartay magaalada Muqdisho xilli uu shaqo u yimid, waxaana dad ku dhaw dhaw taliyaha noo sheegeen in haweeneyda iyo taliyaha uu dhax maray xiriir guur uuna shalay geeyay degmada Doolow uu degnaa.

Waxaa lagu soo waramayaa in haweenaydan dilka ay u adeegsatay bastoolad uu isaga lahaa , waxaana la sheegayaa in ay socdaan baaritaano dheeraad ah oo dhacdadan la xiriirta.

Maamulka Gobolka Gedo iyo sarakaashiisa  gobolkaas wali wax war ah ma aysan ka soo saarin dilka Taliyaha Nabad sugida Degmadaas maanta xaaskiisa ay ku dishay degmada Doolow

Leave a Reply

Your email address will not be published.