Jowhar (Raxanreeb ) Weerar ay ku dhinteen in ka badan toban qof ayaa lagu soo waramayaa in kooxda Al- Shabaab ay ka gaysteen gobolka Shabeellaha Dhexe.
Weerarkan oo ka dhacay deegaanka Nuur-Dugle waxaa halkaas ka – gaystay kooxda Al- Shabaab oo dagaal uu kaga furan yahay gobolka Shabeellaha Dhexe.
Xubno ka tirsan kooxda ayaa sidoo kale la sheegay in waxyeelo ay ka soo gaartay weerarkan oo ahaa mid ku- dhufoo ka dhaqaaq ahaa .
Waxaa lagu soo waramayaa in kooxda Al- Shabaab ay la beegsadeen weerarkan goob ay ku sugnayeen kooxaha deegaanka ee kacdoonka wada.
Xaalada deegaanka uu weerarka uu ka dhacay Nuur-Dugle ayaa degan , waxaana halkaas ku sugan ciidanka Dowladda iyo kooxaha Macwiislayda.
Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya kuwa Macawiisleyda ayaa horaantii bishii hore ee November la wareegay deegaanka Nuur Dugle iyo tuulooyinka hoostagga.
Leave a Reply