Uk oo ciidamada Booliska heegan gelisay

Uk oo ciidamada Booliska heegan gelisay

London (Raxanreeb) — Uk oo heegan gelisay Ciidamada Booliiska gaar ahaan kuwa kahortagga Rabshadaha si loo xadido dhaqdhaqaaqa dadka laga cabsida qaba in ay dhigaan dibadbaxyada salkiisu yahay weerarkii Shalay ka dhacay Magaalada Gaza.

Ciidamo badan oo katirsan Booliiska Ingiriiska ayaa lagu arkayaa goobaha inta badan ay ka dhici karaan isu imaatinka Bulshada oo haddii halkaas dibadbaxyo ka billowdaan ay adkaan doonto in lasoo afjaro sida laga soo xigtay ilo dhanka Amniga ah.

Dad badan oo ku sugan Magaalada London ayaa damacsan in ay sameeyaan dibadbaxyo waxaana laga cabsi qabaa in goobaha bulshadu ku bannaanbaxdo ay tagaan dad kasoo horjeeda kuwa isusoo baxa dhigi kara.

Qoraal kasoo baxay Booliiska London ayaa lagu sheegay in ay ka warqabaan in meelo badan ay wax ka dhaceen balse ma raacin faah-faahin intaas dheer, waxa uu dalbaday Booliisku in qofkii cabsi dareema ama hanjabaad la kulma ay ku wargeliyaan.

Dadka ugu badan ee cabsida muujinaya waa kuwa kasoo jeeda Israaiil ee London ku nool iyaga oo dhegaha la raacaya waxa ka dhacay Gaza ayay billaabeen in ay ka fogaadaan weerarro ay sheegeen in ay kala kulmi karaan jaaliyadda kale ee Carbeed.