Wasiirka  Gaashaandhigga & Cadalla oo loogu shakiyay dhabarjabinta ciidanka

Wasiirka  Gaashaandhigga & Cadalla oo loogu shakiyay dhabarjabinta ciidanka

Muqdisho (Raxanreeb )  Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa ka ruqaansaday deegaano badan ka dib maro kala duwan oo ka soo baxay hoggaanka ciidanka ee horkacaya howlgalada.

Wasiirka  Gaashaandhigga Cabduqaadir Jaamac oo ku sugan goobaha dagaalada ayaa hadda soo baxaya warar sheegaya inuu bixinayo amara ciidanka ay isaga soo baxayaan deegaanadii laga saaray kooxda Al- Shabaab.

Amaradan ciidanka  uu siinayo  , Wasiirka ayaa keentay in khilaaf uu soo kala dhaxgalisa Wasiirka iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo isaguna ku sugan goobaha dagaalada.

Isbar bar yaac xaga ciidanka ayaa  ka dhax jira  hoggaanka ciidanka Dowladda ee ku wada  sugan jiida hore ee dagaalada sida ay ku warameen dad xog- ogaal ah oo halkaas ku sugan.

Sida xogaha  ay sheegayaan , waxaa hoos loo dhigay  ,awoodda wasiir  cabduqaadir Jaamac , ee hoggaaminta , sidoo kale waxaa meesha  laga saaray kaalinta Wasiir ku xigeenka warfaafinta  Cabdiraxmaan Cadalla  ee abaabulka  dagaal beelaha dega Galgaduud.

Shaki xubnahan laga qabo ayaa la sheegayaa in ay ku timid in awoodahooda meesha laga saaro , waxaana maalmihii la soo dhaafay laga waayay saxaadda dagaalka iyo hadaladii ay siinayeen warbaahinta .

Si aad ah waxaa  u soo baxaya warka sheegaya in wasiirka  Gaashaandhigga Cabduqaadir Jaamac  la bedeli doono sabab la xiriirta fashilka ku yimid dagaalada ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab iyo shakiga  ka dhaxjira saraakiisha Dowladda Soomaaliya.

Howlgalada dhanka ah  kooxda  Al-Shabaab  ayaa lagu soo marayaa inuu ku bilowday , khilaaf  la xiriira sida  loo wajahayo , taas oo ugu danbeyn keentay in shaki badan uu ka dhasho weerarkii dhawaan ka dhacay deegaanka Cawswayne ee galgaduud.

Leave a Reply

Your email address will not be published.