Xasan Sheekh “Eritrea waxay na tartay wax aan cidna na tarin”.

Xasan Sheekh “Eritrea waxay na tartay wax aan cidna na tarin”.

Asmara (Raxanreeb )-Madaxweyne Xasan Sheekh , waraysi uu siiyay intii uu ku sugnaa Asmara telefishinka Eritrea , wuxuu ku tilmaamay Eritrea inay tahay dal khibrad ku filan u leh dhismaha dawladnimada iyo laamaha amniga.

Madaxweynaha Soomaaliya oo lahadlayay warbaahinta dawladda Eritrea, ayaa yiri “Eritrea waxay na tartay wax aan cidna na tarin”

“Tiro badan oo ciidankeenna ah ayaa halkan lagu tababaray. Eriteriya waxa ay na tartay wax caalamka intiisa badan aanu na tarin. Waanan uga mahadnaqaynaa. Sida aad og tahay, Soomaaliya iyo Eriteriya waxa ay leeyihiin xidhiidh walaalrinimo oo qoto dheer. Eriteriya waxay caawisaa Soomaaliya”

Madaxweynaha ayaa ku sifeeyey Eritrea in ay tahay dal kaliya ee aan wax dan ah oo gaar ah ka laheyn Soomaaliya, aan ka aheyn walaaltinimo iyo caawinaad deg deg.

“Waa dalka keliya ee aan dan kale ka lahayn Soomaaliya aan ka ahayn walaaltinnimo iyo caawimaad, Waan uga mahadnaqaynaa shacabka Eriteriya” ayuu yiri MW Xassan.

MW Soomaaliya ayaa sheegay in uu Talooyin usoo doontay Asmara, si looga guuleysto Argagixisada Soomaaliya.

“Tani waa mid ka mid ah sababaha aan halkan u imi, si aan madaxweynaha ugu qeexo horumarka iyo soo kabashada ka muuqata Soomaaliya iyo sida aan ugu baahan nahay talo la naga siiyo la dagaallanka argagixisada” Ayuu yiri Xassan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku amaanay Mw Afwerki, khibrada dalkiisa u yeeshay dhismaha Qarankiisa, Dawladnimada iyo Amniga guud.

“Eriteriya waa dal khibrad dheer u leh dhismaha qaranka, dawladnimada iyo amniga” ayuu yiri Madaxweyne Xassan Sheekh.

Leave a Reply

Your email address will not be published.