Xogta Kulanka Xasan Sheekh &  xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka.

Washington (Raxanreeb ) Maanta oo Khamiis ah waxa xarunta Pentagon-ka  ka qabsoomay shir u dhaxeeya Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo &  xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Lloyd Austin.

Labada dhinac ayaa ka wada – hadli doona arrimaha amniga , dhaqaalaha iyo  taageerida  dowladda Madaxwayne Xasan Sheekh uu hoggaaminayo.

Qoraal ka soo baxay Pentagon-ka  maanta ayaa lagu yiri.

“Xoghayaha difaaca Mareykanka waxa maanta oo Khamiis ah madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kusoo dhoweyn doonaa Pentagon-ka saacadda marka ay ay tahay 12:30 PM [7:30 PM xilliga Muqdisho], kulankaas oo ah oo ah xoojinta xiriirka labada dhinac,”

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay Washington kaga qayb gali doona shir caalami ah oo looga hadlayo deyn cafinta Soomaaliya

Maraykanka ayaa soo celiyey joogitaankoodi Soomaaliya, kadib markii Madaxweynihii hore uu la baxay ciidamadiisi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.