18 shaqaale oo saaran Markab lagu haysto xeebaha dalka oo laga dayrinayo.

18  shaqaale oo saaran Markab lagu haysto xeebaha dalka oo laga dayrinayo.

Muqdisho (Raxanreeb ) Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida oo dib ugu dilaacay xeebaha Soomaaliya ayaa xeebaha Puntland ku haysta Markab ay ka soo qafaasheen gacanka Cadmeed.

Sida wararka la – helayo ay sheegayaan m
waxaa saaran Markabka 18 shaqaale kuwaas oo laga dayrinayo xaaladooda caafimaad isla markaana waxa la xaqiiyay in ay u baahan yihiin adeeg caafimaad.

War ka soo baxay MIdowga Yurub ayaa la sheegay in markabka oo lagu magacaabo Ruen  biyaha Soomaaliya ay ku afduubatay burcad-badeeda Soomaaliya.

Sidda laga soo xigtey ciidamadda ilaalada xeebaha Midowga Yurub, mid kamid ah shaqaalihii saarnaa markabka ayaa la sheegay in laga saaray sababo caafimaad oo aan la ogeyn laakiin xaaladu waxay sheegeen ilaalada inay ka sii daraysa.

Kooxaha Burcad badeeda wali wax war ah ma aysan ka soo saarin xaaladda caafimaad ee ay wajahayaan shaqaalaha saaran Markab Ruen kaas oo todobaad wax ka badan gacanta ugu jira Burcad badeeda.

Markabka waxaa maamula shirkadda maraakiibta ee Bulgaria ee Navibulgar. Mas’uuliyiinta Bulgaria ayaa caddeeyay in shaqaalaha markabka ay u kala dhasheen Angola, Bulgaria iyo Myanmar.

Leave a Reply

Your email address will not be published.