Muqdisho ( Raxanreeb ) Olole doorasho oo aad u xoogan ayaa ka soconaya Puntland , musharaxiin dhawr ah ayaa ku sii qulqulaya , kuna sugana sugan Garoowe si ay ugu biiraan Ololaha socda ee loogu jiro qabashada hoggaanka Puntland.
Ololahan socda waxaa saamayn dhankooda ku leh kooxda isku raranka ah ee Daljar & Dalmajiid iyo dhanka kale ee kooxdii loogu itaal roonaaday doorashadii 15- kii ee Nabad & nolol kuwaas oo dhankooda doonaya in xubno ku yeeshaan Puntland.
Loolanka xoogiisa waxa uu soo baxay markii Wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya oo ka mid ahaa dowladda Xasan Sheekh Abshir Huruuse uu shaaciyay inuu musharax yahay iskana casilay xilkii uu yahay , talabadaas oo loo arkayo saamaynta Damjadiid ay doonayaan in ay ku yeeshaan Puntland.
Huraase waxaa riixaya Villa Soomaaliya oo awoodeeda dhan isugu gaynaysa sidii loo tuuri lahaa Saciid Deni oo isaga Xasan Sheekh ku kala irdhooway doorashadii dhacday ee xilka Ra’iisulwasaarnimo la siiyay , Xamse Cabdi Barre.
Kooxda Nabad & Nolol oo doonayso in Villa Soomaaliya ay ku jabto , doorashada ayaa dhankooda doonaya in ay dhisaan oo ay kala xushaan xubnaha musharaxiinta si sanadaha soo socda ay u helaan taageero siyaasadeed.
Kooxda Nabad & Nolol ee siyaasadda ka jooga banaanka ayaa la xaqiijinayaa in xubnaha qaar ay riixayaan hase ahataee ay la galayaan gorgorton siyaasadeed si ay u fuliyaan danahahoooda gaarka ah.
Hardaganka xoogan ee ka socda Puntland ayaa dhinacyadu waxay ka filayaan in ay ka helaan saami siyaasadeed oo ay kula gorgortami karaa haddiiba ay dhacaan wada- hadalada siyaasadeed.
Nabad & Nolol ayaa isha ku haya Wasiirkii hore ee Arrimaha dibada Axmed Ciise Cawad iyo Guuleed Saalax oo labaduba ay u yihiin kow iyo laba inkastoo aan la saadaalin karin marka ugu danbeysay waxa isbedeli kara.
Dhanka kooxaha isku raranka ee Damjadiid & Daljir ayaa waxay doonayaan in dadaalkooda dhan ay isugu geeyaan Huruuse oo isagana dhawaan iska cisilay xilkii arrrimaha dibada si olole doorasho u galo , waxayna Dowladda sidoo kale ay doonaysaa in meesha ay ka saarto Saciid Deni .
Loolanku aadbu u adag yahay marka loo eego dhincyada hadda ishaya oo aan dab yar shidaynin inkastoo siyaasadu markasta ay is rogi karto hadana waxaa la sugayaa sida ay wax kasta ku dhamaan doonaan iyo kooxda ku guulaysta hardanka siyaasadeed ee Puntland.
Leave a Reply