Somaaliya Mar Kale DHiig waa Loogu Wan-Qali! Abiy, Seylac ma meel laga dhintay baa markaad qabsanayso?! Waa badannahay Soomaali laguma xuuxiyo! dalkana dadkii Lahaa waa joogaan, dadka Soomaaliyeedna nabad baryi maayaan! Abiy Axmed ama dowladda Itoobiya damaceeda foosha xun ma aha mid iyada ka yimid, Soomaaliduna ma ha dad ay Itoobiya u gooddiso ama u caga jugleyso,...
Month: October 2023
Nin shaqada looga joojiyay taageero uu Falastiin u muujiyay darteed
Mid ka mid ah darawalada Tareennada dhulka hoostiisa mara ee London ayaa shaqada laga joojiyay ka dib markii uu ku dhawaaqay ereyo uu ka tagaeerayo taageerayo Falastiin.
DF oo soo saartay digniino ku saabsan El-Niño
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markale soo saartay digniin horleh oo la xiriirta duufaanta El-Niño, taasi oo ku aadan waxyeelo xooggan oo ka dhalan karta roobab mahiigan ah oo la saadaalinayo inuu ka da’o qaar kamid ah gobolada iyo degmooyinka dalka.
Madaale oo xariga ka jaray Laamiga Via Laaberiya
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xarig jaray dhismaha waddada Via Liberia ee degmada Waabari oo dhawaan lagu dhisay isku tashiga reer Waabari iyo barnaamijka dalkaaga ku dhiso Hal dollar.
MD Xasan oo ka soo baxay furimaha dagaalka kana soo guuray Galmudug
Dhuusmareeb (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka soo guuray oo alaabtiisa ka soo rartay degmada Dhuusmareeb ee gobolka Galgaduud. Xasan Sheekh ayaa seddax diyaaradood kaga soo guuray Dhuusmareeb isla markaana dhamaan uu soo qaatay agaabkii Madaxtooyada ee halkaas uu u rartay inuu uu joogay Dhuusmareeb. Sidoo kale waxa...
DENI muddo kordhin miyaa loo sameeyay , muxuu yahay buuqa taagan ?
Garoowe (Raxanreeb ) War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga PEC ayaa lagu caddeeyay in doorashada madaxtooyada iyo Baarlamanka Puntland loo asteeyay in ay qabsoonto 25 bisha Feb, 2024. Guddiga doorashada Puntland ayaa sheegay in dib loo furay diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha, islamarkaana la bilaabi doono bisha December ee sannadkan 2023. Jadwalka uu soo saaray guddiga PEC ayaa muujinaya...
Amnesty oo eedeyn culus ujeedisay R/Wasaaraha Britain
Muqdisho (Raxanreeb) Kooxda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ku eedeysay ra’iisul Wasaaraha UK Rishi Sunak iyo xubin sare oo ka tirsan mucaaradka Lisa Nandy inay yareynayaan culeyska xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee Israa’iil ka wado marinka Gaza. “Iyagoo diidaya in la cambaareeyo jebinta cad ee sharciga caalamiga ah, iyadoo aan...
BAYDHABO : 6 askari oo qisaas lagu fuliyay todobaadkan
Baydhabo (Raxanreeb ) Ex dable xoogga Yuusuf Isaaq Nuur Aadan oo maanta magaalada Baydhaba looga oofiyay qisaasta marxuum Mustaf Xaaji Xasan Madkuus oo uu dilay kadibna uu Ceel ku riday si aan Loo arkin meedkiisa. Dhinaca kale Ex dable Boolis Aadan Maxamed Xasan Ibraahim (Boqol) ayaa isna loo toogtay dilka Sheekh Cali Ahmed oo ahaa...
Puntland oo sheegtay inay soo qabatay 75 qof ku eedeeysan Kufsi & Dil Wiil 11 jir ahaa
Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa shaaciyay tiradii ugu badneyd ee loo xiray kiiska wiil 11 jir ah oo dil iyo kufsi loogu geystay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Qaraxyo iyo duqeyn ka dhacday saddex Isbitaal oo Qasa ku yaalla
Dhowrkii saac ee ugu dambeeyay waxaa soo baxay warar sheegaya in qaraxyo laga maqlay meel u dhow dhowr isbitaal oo ku yaal Qasa. Ma cadda waxyeelada ay geysteen qaraxyadaas dhawaan dhaca ah.









