Tirada askarta la sheegay in lagu dilay weerar ka dhacay galbeedka Niger ayaa gaartay lixdan. Goob joogayaal ayaa tiriyay meydadka intii ay socotay aas wadareed oo uu goob joog ka ahaa wasiirka difaaca ee dalkaasi.
Day: October 5, 2023
Raila Odinga oo su’aal galiyay ciidamada dalkiisu u dirayo Haiti
Hogaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa su’aal galiyay go’aanka dalkiisu ku hoggaaminayo howlgalka nabad ilaalinta ee Haiti si loola dagaalamo kooxaha burcadda ah ee halkaasi ka jira, isagoo ku tilmaamay arrintaa tilllaabo qaldan.
Senatoro Mareykan ah ‘oo ka walaacsan’ qodobada xiriir laga yaabo inay yeeshaan Israel iyo Sacuudiga
Labaatan Senator oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka ayaa Arbacadii taageeray heshiis suurta-gal ah oo ay xiriir ku yeelanayaan Israel iyo Sacuudi Carabiya, balse walaac ka muujiyey damaanad qaad amni oo kasta ama taageero nukliyeer oo la siiyo Riyadh.
Tobanaan qof oo mas’uuliyiin ay ku jiraan oo ku dhintay dagaal ka dhacay Mudug
Wararka ka imanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal qaraari uu shalay ka dhacay meel u dhaxaysa Wisil iyo degaanka Shabeelow oo ay dhowaan qabsadeen ciidamada dawladda iyo kuwa degaanka.
Jubbaland ma doonayso in ATMIS dalka ay ka baxaan
Kismaayo (Raxanreeb ) in muddo ahba waxaa socday qorsha dalka ay uga baxayaan ciidanka ATMIS waxaana jiray codsi Dowladda Soomaaliya ay u dirtay Golaha ammaanka oo ay ku dalbanaysay sii joogitaanka dalka ATMIS Ka bixitaanka ATMIS ayaa waxaa walaac ka muujiyay Dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedka Jubbaland oo deegaanadeeda ay joogaan ciidan ka socda Kenya...
Golaha Wasiiradda oo aan sixiyay labo sharci oo muhiim ah
Muqdisho (Raxanreeb) Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay shirkoodi Toddobaadlaha iyagoona meel mariyay sharciyo muhiim ah. Hindise sharciyeedyada ey maanta ansixiyeen golaha wasiiradda ayaa waxa ay kal yihiin Hindise Sharciyeedka Arrimaha Xajka iyo Xeer-nidaamiyaha Xuquuqda Bukaanka iyo Shaqaalaha Caafimaadka. Sidoo kale, Sharciyadan oo ay soo kala gudbiyeen Wasaaradda Caafimaadka iyo Wasaaradda Diinta iyo...
Ruto oo magacaabay safiiro cusub oo u fadhin doono Muqdisho & Hargeysa
Nairobi (Raxanreeb) Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa magacabaay safiiro badan oo wakiilo ugu noqon doono dalalka caalamka isagoo badalaya kuwii horey ey magacaabeen madaxdii isaga kahoreysay. Sidoo kale, Ruto safiiradan uu magacaabay waxaa kujiro safiir ufadhin doono magaalada Muqdisho Kiringo Kubai safriirkan uu u soo magacaaby Muqdisho ayaa ahaa xildhibaan katirsan Baarlamaanka Kenya oo...
Shaqsi ku edeysan dilka Fanaan Tupac Shaku oo maxkamad lasoo taagay
New York (Raxanreeb) Nin oday ah oo lagu eedeeyay in uu kadambeeyay dilkii fanaan Tupac shakur sanadkii 1996-dii ayaa kasoo muuqday maxkamad kaaso oo lagu eedeynayo in uu kadambeeyo dilka fanaan Tupac shakuur. Sidoo kale, Duane Keffe D Davis oo ahaa 60 jir burcad ah ayaa kasoo muuqday maxkamad asagoo katiinadeyzan xarunta maxkmadda gobolka ee...
Duqeyn ka dhacay Mudug & dhaawacyo loo soo qaaday Muqdisho
Gaalkacyo (Raxanreeb ) War ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeymo ka dhacay deegaano ka mid ah gobolka Mudug ay ku dileen xubno sar sare oo ka mid ah kooxda Al- Shabaab. Waxaa lagu sheegay warka ka soo baxay Dowladda in duqeymahan inta badan ay ka dhaceeb goobo ay ku dhuumalaysanayeen kooxda...
DIL aad loogu xumaaday oo ka dhacay Beledwayne
Beledwayne (Raxanreeb ) Wararka aan ka – helayno magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas dil loogu gaystay ganacside si wayn loogu yaqaanay magaalada Beledwayne. Sida wararku ay sheegayaan ganacsadahan ayaa la sheegay in dilkiisa ay ka danbeeyeen koox hubaysan oo goobta isaga baxday dilka ka dib . Ganacsadahan oo lagu magacaabi jiray...