Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa sheegay in howlgal wadajir ah kooxda Al-Shabaab looga saaray kaymaha Cali Fooldheere ee gobolka Shabeellaha Dhexe, islamarkaana khasaarooyin culus lagu gaarsiiyey.
Day: October 4, 2023
Ciidamada DF iyo Atms oo howlgallo ka dhan ah, Al-Shabaab kawada Shabeellaha Dhexe
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Howlgalka Kumeel-gaarka ah ee Midowga Afrika ATMIS ayaa howlgallo wadajir ah ka sameeyay tuulooyin hoostaga Deegaanka Cali Fooldheere Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.
Dagaal culus oo u dhaxeeya DF iyo Al-Shabaab oo ka socda Galmudug
Hawlgal Qorshaysan oo ay si Wadajir ah u fulinayaan Ciidanka Xoogga dalka iyo Ciidamada deegaanka ee Koofurta Mudug ayaa ka socda hawdka Shabeeloow ee Koofurta gobolkaas.
FASHIL : Laftagareen iyo Xasan Sheekh oo isku afgaran waayay doorashada KGS
Raxanreeb (Dhuusmareeb ) Magaalada Dhuusmareeb ee gobolka galgaduud waxaa ka dhacay kulan fashil uu ku dhamaaday , kaas oo dhaxmaray Madaxwaynaha Koonfur Galbeed iyo Xasan Sheekh Maxamuud. Warar aan helayno ayaa sheegaya in madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya iyo Xasan Sheekh ay ka wada- hadleen qabsoomida doorashooyinka ka dhacaya deegaanada maamulka koonfur Galbeed. Sida xogaha ay sheegayaan...
Lacagta laga jartay shaqaalaha G/Banaadir yaa lagu taageerayaa?
Raxanreeb (Muqdisho) Shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir oo mudooyinka dambe wajahaayay cabsi iyo walaac xooggan oo ay kaqabaan in gabi ahaanba bishii dhamaatay ee September ey waayan mushaarkooda, kadib markii uu goddoomiyaha gobolka Banaadir uu goob fagaare ah uu ka sheegay in bishaas lacagtooda qeyb kamid ah lasiin doono ciidanka dib uxoreyn dalka. Sidoo kale, shaqaalahan...
Jubbada hoose oo roob mahiigaan uu ka bilowday iyo cabsi laga qabo El Niño
Raxanreeb (Kismaayo ) Roob mahiigaan ah oo dabaylo wata ayaa ka da’ay deegaanka Raas-kaambooni ee Gobolka Jubbada hoose. Roobkan oo bilowday xalay ayaa socday ilaa saaka iyadoo ay barakaceen dadka deganaa guryaha u dhow xeeliga Badda, ma jiro wax khasaare nafeed ah oo uu sababay Roobkan sida ay ii xaqiijiyeen maamulka deegaanka. Roobkan ayaa kusoo...
Al-Shabaab oo laga saarey kaymaha Shabeelada Dhexe
Raxanreeb (Muqdisho )War ka soo baxay Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa lagu sheegay in howlgal wadajir ah malayshiyadka Al-Shabaab looga saaray kaymaha Cali Fooldheere ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyada oo khasaarooyin culus lagu gaarsiiyey. ATMIS oo qoraal kooban ku baahisey barta X ee horey loogu aqoon jirey Twitter ayaa lagu sheegay in howlgalkan...
Sucuudiga oo joojiyay xoolihii looga dhoofin jiray dekeda berbera
Raxanreeb (Hargaysa )-Boqortooyada Sacuudiga ayaa hakisay Xoolihii ka dhoofi jiray dekedda Berbera ee waddankiisa loo iib gayn jiray sida uu xaqiijiyay wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland. Wasiir Siciid Sulub, oo ku sugan xilligan Sacuudiga ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay carqaladaysay xoolaha Dekedda Berbera inkasta oo aannu sii faahfaahin sababta. Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland ayaa sheegay...