Muqdisho (Raxanreeb ) Dowladda fadaraalka Soomaliya ayaa Maamul-gobaled cusub u aqoonsan tahay SSC-Khaatumo, oo dhawaan lagu dhawaqay kadib dagaala Culus oo gobalka Sool ka dhacay. Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay aqoonsan tahay bayaanka Isimadda SSC-Khaatumo ay soo saareen 6-dii Feb, kaas oo sheegayay in aysan katirsaneyn maamulada Puntland iyo Somaliland, balse ay hoostagaan dawladda...
Day: October 19, 2023
Jim Jordan oo mar kale ku fashilmay codeyntii afheeynka Aqalka Wakiillada
Musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee u sharaxan afhayeenka aqalka wakiillada ee Maraykanka, Jim Jordan, ayaa maalintii labaad oo xidhiidh ah ku guuldaraystay inuu helo codad ku filan, si uu u noqdo afhayeenka golaha.
Mucaaradka DF oo bayaan adag soo saaray
Siyaasiyiinta Mucaaradka oo ay ku jiraan Madaxweynayaal iyo ra’iisul wasaarayaal hore ayaa bayaan ay soo saareen waxay si adag uga horyimaadeen hadal dhawaan uu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Biden ‘’ Israel way ogolaatay in sahayda la gaarsiiyo marinka GAZA’’
Talaviv (Raxanreeb) Madaxwaynaha Maraykanka Joe biden oo booqasho ku tagay Israel ayaa sheegay in sahayda gargaar la gaarsiin doono marinka GAZA halkaas oo duqeyn arxan darro ah ay ka gaysanayaan ciidanka Israel. Ka hor inta uusan ka dhoofin Biden Israel ayuu sheegay in wada hadal ka dib ay isku afgarteen in sahayda la gaarsiiyo Gaza...
Wiil Soomaali ah oi isku gubay dalka Cyprus
Wiil Soomaali ah ayaa shidaal isku shubay kadibna dab isku qabadsiisay magaalada Larnaca ee dalka Cyprus kadib markii sida la sheegay loo diiday sharciga degenaanshaha dalkaas.
Putin oo cambaareeyay Gantaalo uu Mareykanka siiyay dalka Ukraine
Moscow (Raxanreeb) Dowladda Mareykanka ayaa ugu deeqday dalka Ukraine gantaalo iyo hub kale oo casri ah, si ay isaga difaacaan ciidamada Ruushka ee dagaalka adag kala horjeedaan kuna sugan qeybo kamid ah Ukraine. Sidoo kale, hubka dowladda Mareykanka ugu deeqday dalka Ukrine waxaa kamid ah gantaallada casriga ah ee ATACMS, kaa oo cabsi badan ku...
Xilli tacsi lagu jiro, ayey Xeer Ilaalinta su’aalo cabsigelin ah la yeelatay Agaasimaha Arlaadi
Muqdisho (Raxanreeb) Somali Journalists Syndicate (SJS) waxay walaac ka muujineysaa in iyadoo saxafiyiinta Soomaaliya ay la murugoonayaan dilka agaasimihii Somali Cable TV, saaka oo Arbaco ah Xafiiska Xeer Ilaalinta Soomaaliya uu su’aalo weydiin cabsi gelin wadatay la yeeshay agaasimaha Warbaahinta Arlaadi ee Muqdisho. Saaka abaarihii 10:00am, waxaa Xafiiska Xeer Ilaalinta tagay Agaasimaha Warbaahinta Arlaadi, Cabdiraxmaan...
Golaha ammaanka oo dood adag ka leh xaaladda Soomaaliya
New York (Raxanreeb) Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dood adag ka leh xaalada Soomaaliya gaar ahaan howlgalka ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab ee uu hormuudka ka yahay Madaxwaynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Inta uu socdo howlgalkan waxaa sidoo kale lagu soo hadal qaadi doona arrimaha siyaasada ee taagan , inkastoo intaas badan...
Shir gooni oo diirada lagu saaray doorashada KG & mid guud oo lala yeeshay Odayaasha
Baydhabo (Raxanreeb) Madaxwaynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa magaalada Baydhabo ee gobolka Baay waxa uu kula kulmay Odayaasha dhaqanka magaaladaas oo ay ka wada- hadleen arrimo dhawr ah. Waxa lagu soo waramaya in Xasan Sheekh Odayaasha uu kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin howgalada ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab sidi uu uga...
WAQTIGA ATMIS oo dhamaad ku dhaw iyo saldhigyo kale oo ay wareejiyeen
Raaga Ceelle (Raxanreeb )Ciidamada ATMIS ayaa saldhigii ay ku lahaayeen Degmada Raaga Ceelle ee Gobalka Shabeellada dhaxe ku wareejiyay ciidanka xoogga dalka, waxaana munaasabadda goob joog ka ahaa Saraakiil ka tirsan Xoogga dalka. Qoraal ka soobaxay ATMIS ayaa lagu yir’’ Ciidamada ATMIS ee Burundi ayaa hadda loo daabuli doonaa gobollo kale oo Soomaaliya ka mid...