Shabeellaha Dhexe (Raxanreeb Online): Midowga Afrika ayaa heegan buuxa geliyay ciidamadiisa ku sugan furimaha hore ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaddib booqasho uu maanta deegaanka Garsale ku tagay Taliye-ku-xigeenka Qaybta 5-aad ee AUSSOM, Kornayl Mathias Sibomana. Taliyaha ayaa ciidamada ku boorriyay inay sare u qaadaan feejignaantooda isla markaana diyaar u noqdaan hawlgallo dhici kara xilli kasta,...
Day: August 11, 2026
Ciidamo PSF ah oo Xananbuure Loo Wareejiyay
Galgaduud (Raxanreeb Online): Qaar ka mid ah ciidamada Puntland Security Forces (PSF) ayaa loo wareejiyay deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud, kaddib markii ciidamada Puntland ay la wareegeen saldhiggii hore ee ciidamada PSF ee bariga Gaalkacyo. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada PSF lagu dejiyay xero ciidan oo ku taalla Xananbuure, halkaas oo ay ku sugnaan doonaan...
Beesha Caalamka oo La Kulantay Guddiga Doorashooyinka
Muqdisho (Raxanreeb Online): Wakiillada beesha caalamka ee ka socda Mareykanka, Ingiriiska, Shiinaha, Turkiga, Itoobiya, Kenya, Suudaan iyo Masar, iyo sidoo kale Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Ururka Iskaashiga Islaamka, ayaa Muqdisho kula kulmay Guddiga Doorashooyinka Federaalka. Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa wakiillada beesha caalamka warbixin ka siiyay doorashooyinkii Golaha Deegaanka ee ka dhacay...
PSF Forces Move to Galmudug After Puntland Clash
A group of Puntland Security Forces (PSF) personnel has been relocated to Xananbuure in Somalia’s Galgaduud region after Puntland forces took control of the unit’s former base in eastern Gaalkacyo. Sources said the personnel have been accommodated at a military camp in Xananbuure, within Galmudug State, where they are expected to remain pending further instructions...
Guri Muqdisho Ku Yaalla oo Cagaf Lagu Burburiyay
Muqdisho (Raxanreeb Online): Dowladda ayaa saakay cagaf gelisay guriga Garaad Xuseen Cagey, oo kamid ahaa waxgaradka Muqdisho, isla markaana la dhashay wadaadka caanka ah Sheekh Cali Wajiis, iyo boqolaal kale oo degganaa xaafadda Jabuuti ee degmada Shangaani. Burburinta guryaha ayaa kusoo noqnoqotay Muqdisho, iyadoo dadka deegaanka ay walaac ka muujinayaan saameynta ay duminta guryuhu ku...
Uganda oo Heegan Gelisay Ciidamadeeda Carbiska SAWIRO
Muqdisho (Raxanreeb Online): Dowladda Uganda ayaa heegan buuxa gelisay ciidamadeeda ka tirsan howlgalka AUSSOM ee ku sugan deegaanka Carbiska, duleedka magaalada Muqdisho, kaddib kulan uu Taliyaha Guutada 46-aad ee Qaybta 1-aad ee AUSSOM, Kornayl Saul Nabimanya, la yeeshay ciidamada. Taliyaha ayaa ciidamada kula hadlay Saldhigga Hawlgalka Furinta ee Carbiska (FOB), isagoo ku boorriyay inay si...
Aadan Madoobe iyo Safiirka Turkiga oo Muqdisho Ku Kulmay
Muqdisho (Raxanreeb Online): Hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktaş, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Koonfur Galbeed iyo Turkiga. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Koonfur Galbeed, gaar ahaan dhinacyada amniga,...
Farmaajo iyo Qoorqoor oo Ka Wada Hadlay Doorashada
Muqdisho (Raxanreeb Online): Madaxweynihii 9-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan is-xog-wareysi ah la qaatay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), oo booqday xarunta dhexe ee Xisbiga Nabad iyo Nolol ee magaalada Muqdisho. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka Soomaaliya iyo hannaanka doorashada, iyadoo ay...
Major Blow to Mogadishu as Janan and Gedo Forces Join Jubaland
BELED HAWO— Abdirashid Janan, who had been appointed by the Federal Government of Somalia as the intelligence chief for the Gedo region, has reportedly joined the Jubaland administration following several days of talks with Jubaland President Ahmed Madobe. Reports say Janan addressed troops under his command on Tuesday morning at a military camp on the...
Ra’iisul Wasaare Barre oo Beesha Caalamka Fariin U Diray
Muqdisho (Raxanreeb Online): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in beesha caalamku weli Soomaaliya u aragto dal ku-meel-gaar ah, isagoo ku baaqay in la beddelo fahamkaas. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya aysan aqbalayn in loo sheego inaysan awoodin inay go’aannadeeda gaarto ama ay wax walba qaban karin, isaga oo adkeeyay...









