3,000 oo ka tirsan  ATMIS oo dalka ka baxaya sida ugu dhaqsiyaha badan

3,000 oo ka tirsan  ATMIS oo dalka ka baxaya sida ugu dhaqsiyaha badan

Muqdisho (Raxanreeb ) Waxaa soconaya qorshe lagu doonayo in ciidanka ATMIS ay kaga baxaan dalka si amniga ay ula wareegaan ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Howlgalka ATMIS ayaa sheegaya in dhamaadka bisha September ay qorshaynayaan in cutubyo badan oo howlgalka ATMIS ah dalka ay baxaan kuwaas oo qayb ka ah daabulida ciidanka ATMIS.

Taliyaha Ciidamada ATMIS Jeneraal Sam Okiding ayaa sheegay 3,000 oo askari oo howlgalka ATMIS ka tirsan ilaa dhamaadka bisha September ee sanadkaan ay dalka ka baxayaan.

Waxa uu sheegay Taliyaha in qorshahan uu socday in mudda ah markaana la  joogo waqtigii la dhaqan galin lahaa heshiiska si amniga Soomaaliya ay ula wareegaan ciidanka xoogga dalka.

Taliyaha Ciidamada aya sheegay in ay ATMIS sii wadi doonto la shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, UNSOS iyo saaxiibada kale

Leave a Reply

Your email address will not be published.