GABON : Afgambi ayaa ka dhacay MD Bongo xabsi guri ayuu ku jira

GABON : Afgambi ayaa ka dhacay MD Bongo xabsi guri ayuu ku jira

Gabon (Raxanreeb ) Saraakiisha ciidamada ayaa ka soo muuqday telefishinka qaranka Gabon iyagoo sheegay inay la wareegeen xukunka.

Waxa ay sheegeen in ay baabi’inayaan natiijadii doorashadii Sabtidii ka dhacday dalkaasi oo lagu dhawaaqay in madaxweyne Cali Bongo uu ku guuleystay.

Iyaga oo kasoo muuqday TV-ga Gabon 24, ayaa saraakiishan sheegeen inay matalaan dhammaan ciidamada ammaanka iyo kuwa difaaca ee dalka Afrikada dhexe.

“Madaxweyne Ali Bongo waxa uu ku jiraa xabsi guri, waxaana la jooga qoyskiisa iyo dhakhaatiirtiisa,” ayay ku yiraahdeen bayaan laga akhriyay TV-ga dowladda.

Afhayeen u hadlay dowladda Faransiiska Olivier Veran ayaa sheegay in Paris ay cambaareyneyso afgambigii ka dhacay Gabon, ayna dooneyso in la ixtiraamo natiijada doorashada Gabon.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in Mr Bongo Afgambigiisu uu soo afjari doonaa 53 sano oo qoyskiisu ay xukunka Gabon hayeen.

12 sarkaal ayaa kasoo muuqday telefiishanka iyagoo ku dhawaaqaya inay baabi’inayaan natiijadii doorashada isla markaana ay kala direen dhammaan hay’adaha dowladda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.