Laascanood oo saaka dagaal ku Waabiriisatay & hoobiyaal la isku garaacay

Laascanood oo saaka dagaal ku Waabiriisatay & hoobiyaal la isku garaacay

Laascanood (Raxanreeb ) Magaalada Laascanood ee gobolka Sool , waxaa lagu soo waramayaa in maanta markale ay isku fara saareen ciidanka Somaliland iyo kooxaha kacdoonka ee diidan maamulka Soomaaliland.

Hooboiyaal dhawr ah ayaa la xaqiijiyay  in ay ku dhaceen gudaha  iyo hareeraha magaalada Laasacnood , sida ay sheegeen dadka deegaanka oo aan la hadalnay.

Ciidanka Somaliland ayaa la sheegay in ay soo weerar ay ku soo qaadeen deegaanka Qooja- Cadde oo ay ku sugan yihiin  kooxaha Kacdoonka  halkaas oo  laga maqlay daryanka hubka culus.

Qof ku sugan magaalada Laasacnood ayaa sheegay in waaberigii hore ee saaka dhawr hoobiyaal ah ay ku dhaceen xaafadaha qaar halkaas oo ay ahayd markii horeba meel dadka ay  isaga barakaceen.

Maamulka Somaliland wax faahfaahin ah ma uusan ka bixin weerarkan saaka ciidankooda ay ku qaadeen deegaanada ku dhaw dhaw magaalada Laascanood gaar ahaan goobaha ay ku sugan yihiin kooxaha Kacdoonka.

Dagaalkan ayaa imaanaya , iyadoo maalmihii la soo dhaafay xaaladda magaalada Laasacnood ay u muuqatay mid degan oo uu hakaday dagaalkii joogta ahaa ee ciidanka Somaliland ay ku qaadayeen magaalada.

Ma muuqata ilaa iyo hadda wax waaan –waan  ah oo dhaqan galay  iyo nabad xasilin oo ka jirta magaalada waxaana waxba isbedelin mowqifka dadka deegaanka Laascanood iyo Odayaasha dhaqanka gobolada Sool , Sanaag iyo Cayn.

Leave a Reply

Your email address will not be published.