PUNTLAND : Nin dil ka gaystay gobolka Mudug oo gacanta lagu dhigay.

PUNTLAND : Nin dil ka gaystay gobolka Mudug oo gacanta lagu dhigay.

Gaalkacyo (Raxanreeb ) –Saraakiisha amniga maamul goboleedka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in gacanta ay ku dhigeen shaqsi ay ku eedeyeen inuu dil ka gaystay deegaano ka mid ah gobolka Mudug.

Howlgal ciidanka ay fuliyeen ay ku guulaysteen in gacanta lagu dhigo ninkan dilka ka gaystay gobolka Mudug.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Shiikh Cali ayaa xaqiijiyay in Taliska Booliska Gobolka Mudug uu gacanta ku dhigay eedaysanaha islamarkaana hadda lagu hayo Rugta Booliska Daaru-salaam.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Mudug Faysal Shiikh Cali ayaa lagu caddeeyay qabashada Cali Khaliif Xirsi oo ku eedaysan dilka marxuum Maxamed Arbaco kaasi oo saaka lagu dilay Daaru-salaam.

“Waxaan u mahad celinayaa Taliska Booliska Gobolka Mudug  oo ku guulaystay qabashada Eedaysane Cali Khaliif Xirsi oo ku eedaysan Dilka Marxuun Maxamed Arbaco oo saaka lagu dilay degsiimada Daarasalaam” ayaa lagu yiri Qoraalkaasi.

Hay’adaha amniga ayaa sheegay in ay ku wadaan ninkan ay soo qabteen baaritaan dheeraad ah oo ku saabsan sida uu u dhacay dilka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.