Shariif, Xasan Cali Kheyre & C/raxmaan Cabdishakuur oo siweyn utaageeray go’aankii Axmed Madoobe.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Qoraal ay si wadajir ah ah goordhaw usoo saareen Madaxweyihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre iyo xildhibaan Cabdiraxmana Cabdishakuur, ayey uga hadleen damaca waalida ah ee muddo kororsiga uu ku riyoonayo Xasan Sheekh.

Sidoo kale, qoraalka ay siyaasiyiintan soo saareen ayey ku caddeeyeen in aysan marnaba aqbali dooni in muddo kororsi sameesto Madaxweyne Xasan Sheekh, waxa ayna xasuusiyeen in waxii laga dhaxlay muddo kororsigii uu horey u damaaciyay Madaxweyne hore Farmaajo.

Dhanka kale, Siyaasiyiintan saameynta badan leh ayaa dhanka kale taageeray soona dhaweeyay mowqifka adag uu qaatay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxa ayna ugu baaqeen madaxda kale ee maamul goboleedyada in tareenka Xasan Sheekh ka haraan diyaarna u noqdaan in doorasho la qabto.

”Waxaan ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u caddaynaynaa in aanan marnaba aqbali doonin muddo-kororsi aan shalay ka diidnay Madaxweynihii hore, waddo kasta oo sharci ahna ku hor istaagi doonno damaca uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku hoosaasinayo shacabka, isaga oo adeegsanaya kalimad xaq ah oo ah doorasho qof iyo cod ah, laakiin uu ku doonayo baadil ah muddo-kororsi, taasoo ah taatiko uu ku soo hungoobay Madaxweynihii uga horeeyay xukunka, isaguna hore noola diiddanaa” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saareen saddexdan musharax ee u taagan xilka Madaxweynaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.