Xildhibaanadii ka degay Kismaayo oo soo bandhigay iyagoo jawi dalxiis kujira + (Sawiro)

Kismaayo (Raxabreeb online) – Qaar ka mida Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa Aqal ku matala Dowlad goboleedka Jubbaland, oo shalay gaaray magaalada Kismaayo ayaa soo bandhigay sawiro iyagoo jawi dalxiis ah ku qaadanaya xeebta Liido ee magaalada Kismaayo.

Sidoo kale, Xildhibaannadan Kismaayo gaaray iyo kuwo kale oo lagu wado in maanta magaalada gaaraan ayaa ka qeyb gali doona, kulan wadatashi ah oo uu ku casuumay Madaxweynaha Jubbaland Ahmed Madoobe

Dhanka kale, kulanka ayaa looga hadlayaa sidoo wax looga qaban lahaa xiisada siyaasadeed ee ka dhex aloosan Jubbaland iyo federaalka taasoo salka ku haysa arrimaha doorashooyinka  oo lagu kala aragti duwan yahay.

Sikastaba, Axmed Madoobe ayaa dhowaan ka baxay shirka golaha wadatashiga ee ka socday Muqdisho markii uu ku adkeystay inuu qabsanayo doorasho dadban halka madaxda federaalku doonayaan in muddo kordhin sanad ah la siiyo madax goboleedyada ka dibna la qabto doorasho dadweyne.

Leave a Reply

Your email address will not be published.