Muqdisho ( Raxanreeb Online) Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee Suudaan, Jeneral Axmed Ibraahim Cali Mufaddal, oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay madaxweynaha dalka.
Taliyaha oo kasoo kicitamay magaalada Khartumo ee caasimada Suudaan, ayaa ku yimid diyaarad Dassault Falcon 900 oo ay leedahay Dowladda Suudaan (ST-PSA).
Taliyaha ayaa kulan gaar ah la taaqay Madaxweynaha Soomaaliya Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad, iyadoo laga wada hadlay arrimo la xiriira iskaashiga sirdoonka, amniga, iyo la dagaallanka khataraha caalamiga ah.
Taliyaha ayaa madaxweynaha iyo Taliyaha NISA ku wareejiyay dhanbaal uu ka siday madaxweynaha Suudaan Al Burhaan.
Inkastoo aan si rasmi ah loo ogaan karin waxa ay ka wada hadleen hadana waxaa loo badinayaa arrinta la xiriirta adeegsiga Imaaraadka ee Garoonka diyaaradaha Boosaaso oo xudun u noqotay dagaalka RSF kula jirto dowladda Suudaan.

Leave a Reply