Muqdisho (Raxanreeb Online) Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa shaacisay in kulanka Madaxweynaha Soomaaliya iyo taliyaha AFRICOM lagu lafa-guray xoojinta iskaashiga amniga iyo wada-shaqeynta Soomaaliya, Mareykanka iyo saaxiibada caalamiga ah, si loo dardar geliyo dagaalka lagula jiro AS iyo ISIS.
General Anderson ayaa “carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dhammaan saaxiibada ay si dhow isugu xirmaan, isla markaana la mideeyo dadaallada looga gol leeyahay in Soomaaliya laga ciribtiro argagixisada”.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhankiisa uga mahadceliyay dowladda Mareykanka taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay shacabka iyo ciidamada Soomaaliyeed, isagoo xusay in iskaashigan uu laf-dhabar u yahay sugidda amniga iyo dhismaha awood ciidan oo qaran.

Leave a Reply