Itoobiya ( Raxanreeb Online) Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa ugu baaqay cid kasta oo diyaar u ah wada-hadal in ay isu diyaariyaan, isagoo sheegay in “helitaanka badda ee Itoobiya uu yahay mid aan laga maarmi karin.”
Wuxuu sheegay in Itoobiya ay “ku ducaysanaysay” in ay hesho marin badeed tan iyo shantii sano ee la soo dhaafay, islamarkaana ay sii wadi doonto in ay ku dalbato waddo nabadeed oo arrintaasi lagu gaadhayo.
Abiy wuxuu hadalkan ka jeediyay Talaadadii, isagoo ku sugnaa xafladda daah-furka buuggiisa cusub ee la yiraahdo “Dowladda Midnimada ah”, halkaas oo uu ka jeediyay hadal socday ku dhawaad saacad.
“Ma aha dhaqan sax ah in la aamino in waddan heerkan oo kale gaadhay uu halkiisa ku negaado oo aan caruurtayadana aan sidaasi ugu wareejinno.”
“Annagu ma rumaysnin in dagaal ama iskahor-imaad uu lagama maarmaan u yahay in tan lagu gaadho. Taasi waa sababta aan shan sano ugu ducaysanaynay,” ayuu raaciyay.
Hadalkan ayaa imanaya xilli muran iyo walaac laga muujinayo damaca Itoobiya ee ah in ay hesho marin badeed, gaar ahaan marka la fiiriyo itoobiya ioo aan lahayn marin badeed tan iyo markii ay Eritrea ka go’day sannadkii 1993.

Leave a Reply