Hay’adaha amniga ee dowladda oo gacanta ku dhigay kooxo dad dhac u geeysanayay

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, ayaa bilaabay howlgallo ay ku soo afjarayaan kooxaha burcada ee maalmihii dambe dadka rayidka ah dhac ugu geeysanayay degmooyinka gobolka Banaadir.

Howlgalka oo ay si gaar ah u fuliyeen ciidanka booliska qeybta gobolka Banaadir, ayey ku soo qabteen rag hubeysan oo dad rayid ah dhac u geeysanayay.

Taliska qeybta Booliska gobolka Banaadir, ayaa digniin u diray ragga caadeystay in ay dhac u geystaan dadka rayidka ah, waxa ayna ku hanjabeen in gacan bir ah lagu qaban doono, isla markaana la maxkamadeyn doono si loogu qaado ciqaabta dambiga ay geysteen.

Howlgalkan ay laamaha amniga ka sameyeen degmooyinka gobolka Banaadir, ayaa ku soo beegmaya xili maalmihii dambe ay dadka ku nool magaalada Muqdisho ay cabasho ballaaran ka muujiyeen kooxo burcad hubeysan oo dhac u geysta xiliyada habeenkii iyo maalintii ayna dhib ku qabaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.