Garoowe ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Deni, ayaa magaalada Garoowe kula kulmay wefdi ka socday dowladda Mareykanka, kuwaasi isugu jira mas’uuliyiin iyo saraakiil ciidan. Wefdiga ayaa waxaa hoggaaminaya sii-hayaha safiirka Mareykanka Justin Davis, iyada oo ay qeyb ka yihiin saraakiisha howlgalka AFRICOM, gaar ahaan Col Shane Jones Taliyaha howlgallada gaarka ah ee...
Day: May 20, 2026
RW Xamsa oo la kulmay Danjiraha cusub Jabuuti ee Soomaaliya
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Danjire Cusmaan Dubbad Sugulle, kaas oo dhawaan warqadaha aqoonsiga danjirenimo uu ka guddoomay Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Danjiraha cusub ayaa Ra’iisul Wasaaraha u gudbiyay salaan uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti,...
Xujeyda Soomaaliyeed oo cabasho ka muujiyay in la dejiyay meelo ka fog goobaha Cibaadada
Makka ( Raxanreeb Online) Qaar kamid ah Xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkan u amba-baxay gudashada waajibaadka Xajka, ayaa la kulmay culeesyo ku aadan ageedyadii u baahnayeen si ay u gutaan waajibaadka Xajka. Xujeyda ayaa sheegay in la dejiyay deegaano ka fog goobaha muhiimka ah ee Xajka, taasi ku qabsatay in ay la kulmeen dhibaatooyin dhinaca gaadiidka...
Mucaaradka oo markale ku dhawaaqay banaanbax ka dhan ah dowladda madaxweyne Xasan
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Mucaaradka dowladda ayaa markale ku dhawaaqay banaanbax ka dhan ah dowladda federaalka, kaasi oo dhici doonaa 4-ta Juun. Shir jaraa’id oo ay xubnaha mucaaradka ku qabteen Muqdisho, ayey uga hadleen damaca muddo kordhinta ee madaxweyne Xasan Sheekh, oo ay ku tilmaameen in dalka uu u horseedayo qalaalaaso siyaasadeed. Mucaaradka ayaa sheegay...
Shiinaha iyo Ruushka oo heshiisyadii ugu badnaa kala saxiixday
Dowladaha Shiinaha iyo Ruushka, ayaa hadda saxiixay bayaan wadajir ah oo ku saabsan xoojinta isku-dubaridka istaraatiijiyadeed ee u dhexeeya Shiinaha iyo Ruushka, iyo “xoojinta iskaashiga saaxiibtinimo iyo deris wanaagga”. Waxaa la filayaa inay hadda saxiixaan 20 dukumenti oo dheeraad ah oo ku saabsan arrimo kale oo badan, oo ay ku jiraan heshiisyada iskaashiga ganacsiga iyo...




