Day: May 21, 2026

Home » Archives for May 21, 2026
Pakistan oo mar kale dooneysa inay dhexdhexaadiso Iiraan iyo Mareykanka
Post

Pakistan oo mar kale dooneysa inay dhexdhexaadiso Iiraan iyo Mareykanka

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Pakistan, Syed Mohsin Naqvi, ayaa maanta kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araqchi, magaalada Tehran. Kulankaas waxaa xaqiijiyay war-saxaafadeed lagu daabacay barta X ee dowladda Iran. Booqashadan ayaa imaaneysa xilli Iran iyo Mareykanku ay is dhaafsanayaan farriimo, oo ay dhexdhexaadinayso Pakistan, si loo gaaro xabbad-joojin joogto ah iyo...

Maxaa looga hadlay kulanka golaha wasiirrada ee Koonfur Galbeed ?
Post

Maxaa looga hadlay kulanka golaha wasiirrada ee Koonfur Galbeed ?

Baydhabo ( Raxanreeb Online) Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa shir guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed oo ka qabsoomay Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga guud ee deegaanada Koonfur Galbeed, dardargelinta adeegyada bulshada, arimaha bini’addanimada, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo...

Soomaaliya oo cambaareysay safaaradda ay Somaliland ka furaneyso Qudus
Post

Soomaaliya oo cambaareysay safaaradda ay Somaliland ka furaneyso Qudus

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Dowladda Soomaaliya Soomaaliya, ayaa si kulul u cambaareysay tallaabada ay Somaliland ku sheegtay in ay safaarad uga furaneyso magaalada Qudus. Qoraal kasoo baxay xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay tahay ilaalinta midnimada, madaxbannaanida, wadajirka dhuleed iyo qarannimada dalka, isla markaana ay si cad u diiddan...

Goobaha ganacsiga ee Suuqa Bakaaraha oo maalintii labaad xiran
Post

Goobaha ganacsiga ee Suuqa Bakaaraha oo maalintii labaad xiran

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Waxa maalinta labaad xiran goobaha ganacsiga ee Suuqa Bakaaraha gaar ahaan Suuq Khaliifa, kaddib markii ganacsatada lagu soo rogay amaro culus. Qaar kamid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha, ayaa sheegay in amar kasoo baxay wasaaradda Maaliyada darted ay u xireen goobahooda ganacsiga. Ganacsatada ayaa sheegay in lagu soo wargeliyay in ay wareejiyaan...