Muqdisho (Raxanreeb Online) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa u guuray guri dhawaan looga diyaariyay Xaafadda Mirinaayo Degmada Cabdi Casiis ee Gobalka Banaadir si uu halkaas uga soo hogaamiyo Banaanbaxa Berri ka dhici doona Caasimada dalka. Guuritaanka Madaxwaynaha ayaa waxa uu ka mid yahay qorshe ay dajisteen mucaaradka waxaana la filayaa in...
Day: May 9, 2026
Maxey kawada hadleyn RW Xamsa iyo danjiraha dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya ?
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dawladda Qatar u qaabilsan Soomaaliya, Dr. Cabdullaahi Bin Saalim Al Nuceeymi , iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Safiirka la-wadaagay dadaallada dowladda Soomaaliya ee dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dib-u-dhiska dalka...
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay caleema-saarka madaxweynaha Jabuuti
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, taasi oo ka dhacday magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti. Madaxweynaha oo ka mid ahaa madaxda dalalka gobolka, hoggaamiyeyaal caalami ah iyo wufuud heer sare ah...
Qaar kamid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka G/Banaadir oo iska diiday amarka kasoo baxay maamulka Gobolka ee lagu hakiyay howlahii burburinta xaafadaha
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Qaarka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa la sheegay inay iska diideen go’aankii kasoo baxay Gobolka Banaadir ee sida ku-meel-gaarka ah loogu hakiyay howlihii burburinta iyo barakicinta xaafadaha Muqdisho. Wararka laga helayo degmooyinka qaar ayaa sheegaya in mas’uuliyiin kamid ah maamulka degmooyinka ay sheegeen in xaafadahooda aysan ku jirin goobaha...
Villa Somalia oo la sheegay inay ku fashilantay joojinta banaanbaxa mucaaradka
Muqdisho (Raxanreeb Online) sida ay inoo shegeen ilo xog-ogaal Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed u dirtay ergo si uu uga shaqeeyo haddii la baajin karo bannaanaxa iyo qabsoomidda shirkii Madaxweyne Xasan Shiikh ku baaqay. Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in Madaxweyne Shariif ka biyo diiday inuu garab siiyo Villa Somalia,...
Kulan looga hadlayay amniga caasimada oo lagu qabtay xarunta dowladda Hoose
Muqdisho (Raxanreeb Online) Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xalay shir-guddoomiyey kulan looga hadlayay amniga caasimadda. Kulanka ayaa ahaa mid diiradda lagu saaray dardargelinta hawlaha lagu xaqiijinayo amniga caasimadda, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo maamullada degmooyinka, ka hortagga falalka amni-darrada iyo burcadda abaabulan ee dhibaateeya xasilloonida shacabka. Sidoo kale kulanka ayaa loogu...





