Muqdisho ( Raxanreeb Online) Waxaa maanta markale magaalada Muqdisho, ku kulmaya xubnaha mucaaradka iyo madaxda dowladda federaalka Soomaaliya. Kulanka ayaa ka qabsoomi doonaa xarunta Nabad sugida, ku lee dahay Xeyndaabka Xalane ee Muqdisho. Ilo xog-ogaal ayaa inoo sheegay in kulanka maanta looga hadli doono doorashada iyo nooca ay noqon doonto, iyada oo mucaaradka ay shalay...
