Lataliye hore oo sheegay in Soomaaliya aysan waqti dhow doorasho ka dhici karin

Muqdisho (Raxanreeb Online) Cabdirisaaq Xasan oo ahaa Lataliyihii hore ee dhinaca amniga madaxweynihii hore ee dowladii KMG Cabdullaahi Yuusuf Axmed, oo wareeysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Warbaahinta Raxanreeb، ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo mid ah doorashadii ka dhacday Puntland  iyo tan soo socota ee dowladda federaalka Soomaaliya.

C/risaaq Xasan ayaa sheegay in bisha May aysan Soomaaliya ka dhici karin doorasho dadban iyo doorasho Qof iyo Cod ah, waxa uuna carabka ku dhuftay in tan sahlan aysan iyada xitaa ku dhici karin sannad.

Lataliye Cabdirisaaq, ayaa hoosta ka xariiqay in doorashada Qof iyo Cod ay qaadan karto in dalka ay ka dhacdo ugu yaraan labo sanno, sida uu hadalka u dhigay.

Raxanreeb, ayaa weydiisay in doorashada golayaasha deegaanka ee la filayo in dabayaaqada bishan ay dhici karto ?

Lataliye Cabdirisaaq, ayaa ku jawaabay in gabi ahaanba doorashooyinka kala duwan in aysan dalka waqti dhow ka dhici doonin ayn una baahan yihiin waqti badan.

Waxa uu sheegay in meel kasto oo doorasho ka dhaceyso ay ammaan tahay, balse waxa uu u sababeeyey Soomaaliya in aysan ka jirin goobo amni ah oo doorashada lagu qaban karo, marka laga yimaado Muqdisho iyo meelo kooban.

Ugu dambeyn lataliye Cabdirisaaq ayaa tilmaamay in Soomaaliya u baahan tahay in wax badan oo xagga siyaasadda ah iyo amni ah marka hore la xaliyo, kaddib markaas ay suura gal tahay in doorashooyin laisku haleeyn karo ay dalka ka dhicaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.