Somaliland oo u yeeratay wakiilkeedii dalka Jabuuti

Hargeysa ( Raxanreeb Online) Somaliland ayaa sheegtay in ay u yeeratay wakiilkeedii u joogya dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa war ay baahisay ku sheegtay in wakiilka u jooga Jabuuti loogu yeeary wadatashi salka ku haya xiisadda diblumaasiyadeed ee ka dhalatay aqoonsigii Israa’iil siisay Somaliland dhawaan.

Somaliland faahfaahin intaa dheer kama bixin, hase yeeshee waxaa ay tallaabadani ku soo aadaysaa iyadoo Jabuuti ka mid noqtay dalalka ka soo horjeestay aqoonsiga Somaliland ka heshay Israa’iil.

Wakiilka Somaliland u jooga Jabuuti waa Cabdilaahi Maxmed Daahir Cukuse ayaa horey sidoo kale u soo qabtay xilal wasiirnimo, waxa uuna ka yimid yahay siyaasiyiinta ugu saameeynta badan Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.