Hobyo (Raxanreeb ) Ciidamada Mareykanka ayaa lagu soo waramayaa in 12 Al-shabaab ah ay ku dilaeen weerar ka dhacay duleedka degmada Hobyo ee gobolka Mudug.
War ka soo baxay Taliska ciidanka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta fulinteeda ay ka danbeysay ka dib codsi uga yimid , Dowladda Federaalka Soomaaliya.
‘’Weerarka waxa uu ahaa mid mid is difaaca ah oo si wadajir ah ay u fuliyeen ciidamka Mareykanka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa uu ahaa howlgal guulaystay ‘’ ayaa lagu yiri war ka soo baxay Taliska ciidanka AFRICOM.
Warka waxa sidoo – kale lagu sheegay in aysan jirin wax yeelo duqeyntan ay ka soo gaartay dad rayid ah oo ku sugan halka weerarkan uu ka dhacay ee degmada Hobyo ee gobolka Mudug.
‘’ Ma jirto khasaare rayid oo aan calaamadaynay ‘’ ayuu lagu yiri warka ka soo baxay Taliska AFRICOM ee howlgalka Mareynkanka ee Afrika.
Leave a Reply