Cabdalla Axmed Muumin, xoghayaha ururka suxufyiinta ee SJS oo bishii hore xabsiga laga sii daayay kadib markii loo xiray arrimo amni ayaa mar kale xabsiga loo taxaabay, waxaana xafiiska xeer ilaaliyaha guud uu sheegay in sii deyntiisa ay aheyd sharci darro.
Dab ka kacay Suuq khudaarta ee magalaada Jigjiga
Jigjiga ( Raxanreeb ) Warrarka ka imaanaya magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegaya in saaka subaxnimadii hore uu dab ka kacay mid ka mid ah suuqyada khudaarta ee magalaadaasi. Wararka ayaa intaas ku daraya in qeybaha kala duwan ee laamaha amniga iyo kuwa dabdamiska ay ku guulaysteen xakamaynta dabkaasi. Lama oga waxa kiciyay...
Xildhibaan lagu toogtay Boosaaso & howlgal socda.
Boosaaso ( Raxanreeb ) Koox hubaysan ayaa magaalada Bosaaso ku toogtay xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka magaalada Badhan ee gobolka Sanaag. Xildhibaan C/raxmaan Xaajii Maxamed ayaa lagu soo waramayaa in kooxaha hubaysan ay ku dhufteen rasaas culculus sida ay sheegayaan dad ku sugan magaalada Boosaaso. Ka hor geeridiisa ayaa la sheegay in isaga oo xaaladiisa...
MILICSI :Hadal Madaale & Mahadi ay sheegeen oo liin ku dhiijinaya boogta Bajaajlayda
Muqdisho ( Raxanreeb ) Toogashada ku salaysan bareerka ee loo gaysanayo waddayaasha Bajaajta ayaa magaalada Muqdisho ka noqday tusbax furtay waxaana dilalkan fuliya oo si sharci d ah u gaystaan askarta Dowladda Soomaaliya. Wadde kasta oo Bajaajlaha ayaa farta wadnaha ku haya , marka uu gurigiisa uu ka soo baxayo isagoo ku fakarayo armay kugu...
MUQDISHO : Maxaa ka soconaya xaafadaha qaar ee magaalada.
Muqdisho ( Raxanreeb ) Waddooyin ka mid ah magaalada Muqdisho waxa la dhigay ciidamo ka tirsan Dowladda si ay uga hortagaan kooxaha dilalka ka gaysta caasimadda. Talaabadan waxa ay ka danbeysay ka dib markii kooxo hubaysan oo la tuhunsan yahay in ay yihiin Al – Shabaab dilal ay ka gaysteen degmooyin ka mid ah magaalada...
MD Xasan Sheekh oo gaaray Kismaayo & kulamo ka bilowday magaaladaas
Kismaayo ( Raxanreeb ) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Jubbaland. Madaxwaynaha waxaa si diirran ugu soo dhaweeyeen Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo boqolaal ka mid ah shacabaka magaalada Kismaayo. Ujeedka safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Magaalada Kismaayo uu yahay sidii...
Sarkaal ka tirsan Ukraine ayaa sheegay in laga yaabo in millitariga ay dib uga laabtaan Bakhmut
Millateriga Ukraine ayaa laga yaabaa inay dib uga baxaan magaalada muhiimka ah ee bariga Bakhmut, lataliyaha madaxweynaha Ukraine ayaa Arbacadii sheegay, iyada oo ay ku jiraan weerarka aan joogsiga lahayn ee Ruushka oo raadinayay muddo bilo ah inuu qabsado magaalada.
Inkabadan 35 qof oo ku geeriyooday labo tareen oo isku dhacay gudaha dalka Giriiga
Waaxda dab damiska dalka Giriiga ayaa sheegtay in ugu yaraan sagaal iyo labaatan qof ay ku dhinteen in ka badan siddeetan iyo shan kalena ay ku dhaawacmeen ka dib marki ay laba tareen isku dheceen habeennimadii arbacada.
Faysal Cali Waraabe oo si adag uga hadlay dagaalka ka socda Laascaanood
Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madax-banaanida ee Somaliland Faysal Cali Waraabe, ayaa qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay kaga hadlay arrinta Laascaanood.
Golaha shacabka oo sharci muhiim ah meelmariyay
Muqdisho (Raxanreeb ) Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka ayaa meelmariyay sharciga hindise sharciyeedka ‘Dhowrista maal-gashadayaasha iyo maalgashiga. Sharcigaan waxaa u codeeyey 145 Xildhibaan, halka laba Xildhibaan ay ka aamustay, wax diidayna ma jirin. Sidoo kale ajendaha maanta ee Goolaha waxaa ku jirta qeybinta warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka la dagaalanka argagixisada. Xildhibaanada Golaha shacabka...



